Maxkamadda Ciidammada Oo Dil Iyo Xabsi Ku Xukuntay Eedaysanayaal Loo Qab-qabtay Dilka Taliyihii Booliiska Saaxil Iyo Weerar Ceel-garde

0
839

Waxa Xorriyaddooda loo Soo Celiyey Lix Qof Oo Ku Eedeysnaa Inay Gacan Siiyeen Dablaydii Dishay Taliyihii Booliiska Saaxil

Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida ee Somaliland, ayaa Shalay Xukun Dil ah ku ridday 8 Nin oo loo qabtay Dilkii Bishii Saddexaad ee Sannadkan Tuulada Biyooley ee Gobolka Saaxil loogu geystay Taliyihii Qaybta Booliska ee Gobolkaa Marxuum Cabdirisaaq Maxamed Yuusuf (Caseyr), kuwaasi oo shan ka mid ah aan Gacanta lagu haynin.

Maxkamaddu waxa kale oo xukun Xadhig ah ku ridday Badhasaab ku-xigeenkii Gobolka Saaxil ee Taliyaha la dilay la socday Markii Dablaydu Toogashada ku dilayeen, waxayna Maxkamaddu sheegtay in Badhasaab ku-xigeenka ay ku caddaatay inuu iska dhago-mariyey dablayda Dishay Taliyaha Booliska Saaxil oo loo sii sheegay inay Jidka ugu jiraan Weftiga uu Taliyuhu ku jiray oo uu isagu hoggaaminayey.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida ee Somaliland Yuusuf Faarax Sharmaarke oo u warramayey Telefiishanka HCTV, ayaa isagoo arrimahaa mid mid u sharraxaya waxa uu yidhi, “Dhacdooyinkii ka dhacay Ceel-gardi, Qaras-goo iyo Tuulada Biyoolay ee Gobolka Saaxil, February Aakhirkeedii iyo March waxa loo soo xidhay Dad Budhcad ah oo hubeysnaa. Dadkii (ku eedeysnaa) badh waa la soo xidhay, badhna waalla waayay, Xeer ilaalinta Ciidanka Boolisku waxay waxay Dacwad ku soo eedeeyeen 25 Qof, 24 Nin iyo Ruux dumar ah, Gabadha oo Gacan siin ku eedaysnayd waanu siidaynay, 24-kii Nin Maanta (Shalay) ayay Maxkamaddu Go’aan ka gaadhay Dacwaddoodii, annaga oo horena u qabanay fadhiyo badan.”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay, “8 Nin oo Shan maqaneyaal yihiin, Saddexna joogeen Maxkamadda Dil baa lagu xukumay, ka dib markay ku caddaatay dhacdadii lagu dilay Taliyihii Qaybta Booliiska ee Gobolka Saaxil Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamed Yuusuf (Caseyr), Askari u ahaa Gaadhna falkaa oo ka dhacay Tuulada Biyoolay waa lagu dhaawacay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in 8 Bilood oo xadhig ah lagu xukumay Badhasaab ku-xigeenkii hore ee Gobolka Saaxil, “Badhasaab ku-xigeenkii hore ee Gobolka Saaxil Xaamud Xuseen Cabdillaahi oo la socday Taliyaha Qaybta booliska Saaxil markii dilkiisu dhacayey, laguna eedeeyay Shir-qool, laakiin uu ku caddaan waayay, laakiin waxa ku caddaatay Xil-gudasho la’aan, maaddaama oo uu ahaa Masuulkii ugu sareeyay ee Weftiga watay, loogana digay in Budhcad jidka ugu sii jiraan Weftigiisa. Xaamud Digniintaas oo Dadkii siiyey Markhaati ahaan loo keenay Maxkamadda wuu ka dhago-adeygay oo Meeshii buu hore ugu sii socday, dabadeedna Dilkaa Taliyaha iyo dhaawacaa ayaa ka dhacay, markaa Xaamud waxay Maxkamaddu ku xukuntay 8 Bilood oo Xabsi ah. Waxa jiray 7 Nin oo lagu soo eedeeyay Gacan-siin, Raggaa shan ka mid ah Maxkamaddu way siidaysay, labana waxa ku caddaatay Gacan-siintii, sida Ninka la yidhaahdo Keyse-dheere oo Baabuur Seeraf ah watay markii falkaasi dhacay, raggii markay kala yaaceen laba Nin oo ka mid ah kuwii Dilka geystay oo gaabiyey ayuu gurmad u sameeyay oo uu Gaadhigiisa ku qaaday, waxaana Ciidanku gacanta ku dhigeen isagoo sida labadii Nin oo midkood hubeysan yahay. Waxa jira Nin kale oo la yidhaahdo Cabdi-dheere waxa Gacantiisa loogu tagay Qorigii laga furtay Taliyihii la dilay. Raggii falkaa geystayna Muddo ayuu meel ku qarinayey oo Qaadka ugu geynayey. Kayse waxay Maxkamaddu ku xukuntay 2 Sannadood ooXadhig ah, Cabdi-dheere-na waxay ku xukuntay Hal Sano oo Xabsi Milletari ah, Shan Nin bay waxba ku caddaan waayeen oo waanu siideynay.”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa, waxa kale oo uu sheegay inay Xukumeen Rag ku eedaysnaa Weerar lagu qaaday Deked laga yagleelay deegaanka Ceel-gardi ee Gobolka Saaxil bishii February ee Sannadkan, “7 Nin oo ka qayb-galay Weerarkii Ceel-gardi waxa lagu xukumay Min 7 Sannadood oo Xabsi Milletari ah.” Ayuu yidhi.