Mashruuca Kobcinta Dhaqaalaha Ganacsatadda Somaliland Oo Laga Furay Hargeysa

0
889

“Somaliland Waa Ummad Dhaqan u Leh Oo Uu Dhiigooda Ku Jiro Ganacsigu, Mashruucanna Waxa Uu Kaalin Ka Qaadanayaa Horumarinta Ganacsiga” Wasiirka Ganacsiga

Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Mr.Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr), ayaa shalay ka furay huteelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa shir lagu daah-furayay mashruuc ku wajahan “Kor u qaadista iyo kobcinta ganacsatadda Somaliland” oo uu maal-geliyay Baanka adduunka isla markaana ay fulin doonto Hay’adda DIA.

Shirkan oo lagaga hadlayo kobcinta dhaqaalaha dalka iyo sidii maalgalin loogu samayn lahaa beeraha xoolaha iyo kalluumaysiga, iyadoo ganacsataddu ay soo dalbanayaan nooca mashaariicda yar-yar ee ay doonayaan inay kaga qeyb galaan mashruucan. waxaana ka qeyb galay Boqolaal qof oo iskugu jira Ganacsatadda dalka, kuwaasi oo ka kala yimid gobollada Somaliland oo dhan.
Sidoo kale waxa madashii mashruucan lagu soo bandhigayay goob joog ka ahaa Wasiirrada wasaaradaha Qorshaynta, Duulista iyo Wasiir Ku-xigeenka Beeraha.

Wasiirka Ganacsiga iyo maal-gashiga caalamiga ah Eng. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr), ayaa sheegay in mashruucani uu waxtar u leeyahay kor u qaadista dhaqaalaha dalka, waxaanu yidhi “Mashruucan kobcinta dhaqaalaha ganacsatadda Somaliland, waxa ka horeeyay mashruuc kale oo la odhan jiray Somaliland Bussiness fund, mashruucaasi waayo-aragnimo iyo khibrad ayaa lagala kulmay,laakiinse mashruucani wuu ka duwan yahay mashruucani hay’adda la yidhaahdo DAI ayaa world Bank uga masuula fulintiisa, Xukuumadda Somaliland-na waxa u qaabilsan wasaaradda ganacsiga iyo wasaarada qorshaynta oo eegaya in sidii loogu tallo galay loo istismaalay mashruucan.laakiin bixinta kharashka mashruuca waxa iska leh Hay’adda DAI.”

“Guud ahaan ganacsiga waa laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, marka laga tago xoolaha. Waxaan qabaa in ganacsigu yahay ka koowaad ee dhaqaalaheennu ku xidhan yahay dadkeenna Somaliland waa ummad dhaqan u leh oo uu dhiigooda ku jiro Ganacsigu. Bulshadda Somaliland qarniyo ka hor ayay tijaaraddu ahayd mid dhaqan u ah reer Somaliland,”ayuu ku dooday Wasiirku, waxaanu sheegay in mashruucani uu wax ka tari doono heerka shaqo la’aanta dalka oo ay dhalinyarro badani fursado shaqo ka heli doonto.

Wasiirka Duulista hawadda iyo Wasiir ku xigeenka wasaarada beeraha oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay ganacsatada kula dardaarmeen in ay ka faa’iidaystaan mashruucan oo ay tilmaameen inuu waxtar u leeyahay dalka.

Somaliland.Org/Hargeysa