Maamul Goboleedka Puntland Oo Qorshaynaya Carqaladaynta Diiwaangalinta Codbixiyeyaasha Ee Gobolka Sool.

0
928

Waxaa bilaabmay wajigii labaad ee diiwaangalinta codbixinta ee ee gobolka Sanaag oo ay diiwaangalint labadii todobaad ee u dambeeyey ka socotay, waxaana uu qorshuhu yahay inay diiwaangalinta codbixiyuhu u gudubto dhinaca Gobolka Sool.

Hadaba maamul goboleedka soomaaliyeed ee Puntland ayaa qorshaynaya sidii ay markale khal-khal u galin lahaayeen diiwaangalinta codbixiyaha iyadoo hore dagaal gaadmo ah ku soo qaaday ciidanka qaranka degmada Boodda Cadde ee Sanaag bari, dagaalkaas ayay ujeedadiisu ahayd sidii ay dadwaynaha u cabsi galin lahaayeen ama ay ugu yaraan caalamka tusaan in goobtaasi ahayd meel lagu muransan yahay.

Wararka ka imanaya gobolka Sool gaar ahaan tuulooyinka xadka la leh maamulka puntland ee Somalia ayaa sheegaya inay xukuumadda Garoowe ciidamo soo dhoobtay deegaanadaas kuwaasoo ay ugu talo gashay inay hawshooda fawdada ah qabsadaan marka ay diiwaangalintu halkaas ka bilaabanto, sidoo kale waxay wararku intaas ku darayaan inay ciidamada Qaranka Somaliland iyaga laftooduna ay galeen heegan buuxa oo ay arrintaasi kaga jawaabayaan.

Ma jirto wax guul milatari ah oo uu maamulka Puntland ka rajaynayo dagaalada la galo Somaliland balse dad badan oo siyaasadda falanqeeya ayaa sheega inay Puntland ku qanacsan tahay goolaaftanka ay Somaliland la gasho.