“Horumarka Dalku Waxa Uu Sii Socon Karaa Iyadoo La Doorto KULMIYE”

0
974

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ka mid ah mudanayaasha Golaha wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE ku faani karo miIsaaniyada laban laabantay lixdii sannadood ee uu tallada dalka hoggaaminayay.

Maxamed Cali Xirsi, waxa uu ku amaanay qurbo jooga kaalinta wax ku oolka ah ee ay dalka ugu jiraan iyo sidii ay uga soo qayb-qaateen dhismihii wadanka iyo halgankii dib u xoraynta dalka.

Xildhibaanku waxa uu sidaas ka sheegay xaflad xisbul xaakimka KULMIYE ay u sameeyeen saraakiil iyo xisbiyahanno ka tirsan laamihiisa dibadda oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa habeen hore. “Sababaha uu ku guulaysan doono xisbiga KULMIYE, waxa ka mida miisaaniyadii oo koradhay, xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxay miisaaniyadda ugu timid 25 Milyan oo Doolar, imikana waxa ay maraysaa 251 Milyan oo Doolar. waa wax lagu faano oo xisbiga KULMIYE ku doodi karo in uu isagu keenay, waxa iyana qoddob weyn oo ah bixinta derajadda noocyadda kala duwan ee ciidamadda dalka,”ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Cali, waxaanu intaas ku daray “Waxa kale magaalada Burco laga bedalay lacagtii giimbaartii, wadadii Ceerigaabana waa lagu guulaystay oo waa la dhisayaa.waxaana aan aaminsanahay cidda kaliya ee horumarkaa sii wadi kartaa in ay tahay xisbiga KULMIYE.”