Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo Kulan Wadahadla ah la Yeeshay Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Inigriiska ee Itoobiya

0
944

War-saxaafadeed
Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiir-ku-xigeen Safaaradda Ingiriisku ku leeyahay dalka Itoobiya Ms Cat Evans iyo wefti ay hoggaaminayso booqasho ku jooga caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.
Guddoomiyaha ay weheliyeen Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Md. Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxay kulan saacado qaatay la yeesheen Safiir-ku-xigeenka Ingiriiska oo lagaga wadahadlayey danaha xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Ingiriiska, arrimaha doorashooyinka Somaliland iyo qodobo kale.
Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta wehelinayey waxay u faahfaahiyeen weftiga Ingiriiska qaddiyadda Somaliland iyo xaaladaheeda waqtigan oo ay ugu muhiimsan tahay u diyaargarowga doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee u qorshaysan dabayaaqada bisha March 2017. Waxaanay u caddeeyeen mowqifka xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu inuu yahay doorashooyinka oo waqtigooda ku qabsooma, iyadoo horeba ay u dhammaystireen oo aanay waxba ka qabyo ahayn doorashada Madaxtooyada.
Waxa kaloo madaxda xisbiga KULMIYE iyo weftigu si wayn uga wadahadleen doorashada Golaha Wakiillada iyo caqabadaha horyaala ee uu ugu waynyahay xeerkii lagu dooran lahaa mudanayaasha oo aan weli diyaar ahayn, arrintaasi oo xal-u-helideeda iyo saamaynta ay ku yeelan karto doorashooyinka oo waqtigooda ku qabsooma ay falanqayn iyo doodo badan labada dhinac ka yeesheen, iyadoo hoggaanka KULMIYE iyo wasiirraduba halkaa ka caddeeyey in aanay dhicista doorashada Madaxtooyada wax saamayn ah ku yeelanayn caqabadda hortaal doorashada Wakiillada haddaan xal degdeg ah loo helin.
Dhankeeda Safiir-ku-xigeenka Ingiriiska ee Itoobiya Cat Evans oo ay wehelinaysay sarkaalka dhinaca siyaasadda u qaabilsan Safaaraddaasi Lizzie Lovett, waxay ka mahadceliyeen soo dhawaynta ay kala kulmeen hoggaanka KULMIYE iyo guud ahaan madax iyo shacaba dalka Somaliland.
Waxa kaloo ay soo dhaweeyeen mowqifka cad ee xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu ka taagan yihiin in doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigooda, balse waxay muujiyeen inay warwar ka qabaan qabyada ka jirta doorashada Golaha Wakiillada, iyagoo xusay in aanay habboonayn in golahani doorasho galiwaayo isagoo hadda muddo-xileedkiisu marayo muddo ku dhaw 12 sanno, isla markaana ay ahayd in waqti hore la sameeyo xeerka doorashadiisa. Sidaasi darteed, waxay soo jeediyeen in xal waara oo degdeg ah laga gaadho arrintan.
Waxa kaloo Safiir-ku-xigeenku sheegtay in aanay waxba iska beddeli doonin taageerada dawladda Ingiriisku ku badhi-taarto nidaamka dimuqraadiyadda Somaliland oo ay ku tilmaameen dalka labaad ee ay kharashka ugu badan ku bixiyaan doorashooyinkiisa qaaradda Afrika, isla markaana ay sii wadayaan mucaawanada iyo wadashaqaynta kala dhaxaysa dawladda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH.

Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)
_________________________________
Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE
Email: kulmiyemanager@gmail.com

319 218 130 513