“Cudduudeena Ayaynu Ku Soo Saaraynaa Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Oo Aynu Rajenayno Inuu Noqdo Madaxwaynaha Mustaqbalka..” Wasiir Samsam Cabdi Aadan

0
741

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan,  ayaa soo jeedisay in la taageero Musharraxa Madaxwaynaha ee Xisbiga Kulmiye uga qayb-galaya Doorashada Madaxtooyada ee 2017ka Muuse Biixi Cabdi.

Marwo Samsam Cabdi Aadan waxaa ay sheegtay in Musharraxa xisbigaasi ay ku soo saari karaan taageero ay la garab istaagaanDoorashada Madaxtooyada, maaddaama uu beddelayo Madaxwayne Siilaanyo isla-markaana uu ka mid yaha Mujaahidiin SNM.

“Cudduudeena wanaageena iyo isku tageena ayaynu ku soo saaraynaa Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo aanu rajenayno inuu noqdo Madaxwaynaha Mustaqbalka ee Siilaanyo beddelaya”ayey tidhi Wasiiradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo habeen Hore hadal ka jeedisay xaflad uu Xisbiga Kulmiye la yeeshay qurbajoogta Somaliland waxayna intaasi raacisay, “Kulmiye waxaa uu taariikh wayn ku leeyahay Halgan iyo inuu dadka oo dhan soo dhaweeyo”