Xisbiga UCID oo xukuummada ku Bogaadiyay Shirkii Awr-Goobeys ee Gobolka Sool

0
783

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Xukuummada Madaxwayne Siilaanyo ku Bogaadiyay  shirka ay la gashay dadka ku nool Deegaanka Awr-Goobeys ee Gobolka Sool.

Wasiiro ka tirsan xukuummada Madaxwayne Siilaanyo ayaa shacabka ku nool deegaankaasi kula shiray degmada Awr-goobeys,  kuwaasi oo ku qanciyay inay ka qaybgalaan Diwaangalinta Codbixiyayaasha ee ka bilaabmaysa  Gobolka Sool,  maadaama aanay hore uga qaybgalin jirin doorashada Somaliland.

Guddooomiye Xisbiga UCID waxaa uu sheegay in wasiiradaasi ay qabteen shaqo lagu bogaadiyo.“Shirkaasi waanu ku hambalyaynaa xukuummada, waa shir cadowgeenu ku farxi doono, shacabkeenu ku farxi doonaan”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxaanu intaasi raaciyey.“Dadka deegaanka waxaanu ku hambalyaynaynaa inay qaataan diwaangalinta oo ay Somaliland qaataan”.

Masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga UCID oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa iyaguna bogaadiyay wasiirada Madaxtooyada, Biyaha, warfaafinta oo shirkaasi ka qaybgalay.