Shil Baabuur Oo Saaka Subaxii Hore Ka Dhacay Wada U Dhaxaysa Berbera Iyo Burco Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Shilkaasi Baabuur

0
770

Wararka naga soo gaadhay degmada Sheekh oo ka tirsan gobolka saaxil ayaa sheegaya in uu saaka subaxii hore shil baabuur ka dhacay wadada isku xidha magaalooyinka burco iyo berbera gaar ahaana dawga Sheekh.

Waxana gaadhigan uu ahaa gawaadhida xamuulka qaada ee loo yaqaano waraadada, isag aoo gaadhigana uu ku rarnaa adhi lagu waday magaalada berbera,lagana soo raray miyiga magaalada burco.

Waxaana gaadhigan saarnaa saddex qof oo laba kamid ahi is dhaleen oo ahaayeen Aabo iyo wiilkii, waxaana halkasi ku naf waayay alle haw naxariistee darawalkii waday gaadhiga iyo wiilkii uu dhalay, halka sida wararku noo shegayaan uu inankii raaciga u ahaa gaadhigana uu dhaawac yahay.

Dhaawaca iyo maydka dadkan ayaa looso qaaday dhankaa iyo magaalada burco .