“Ceeb Ayay Innagu Tahay In Aynu Aqoonsi Yar Ku Badalanno Sidii Qaadka Miiraha Laynoogu Soo Dhoofin Lahaa” Cabdikariin Axmed Mooge.

0
705

Cabdikariim Axmed Mooge, wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland ayaa ceeb ku tilmaamay in Somaliland ay aqoonsi aan dhameystirnayn oo dowladda Kenya siiso ay dhaafsato in qaadka nooca loo yaqaanno Miiraha loo soo dhoofiyo dalka.

Cabdirkariim Axmed Mooge, oo qoraal kooban bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebook ku baahiyay ayaa sheegay in Guddoomiyaha gobolka Meru ee dalka Kenya uu yimid Somaliland isla markaana uu sheegay in uu ku guulaystay in madaxda Somaliland ku qanciyo in ay taageeraan guddi farsamo oo loo saaray sidii jaadka miiraha loogu soo dhoofin lahaa Somaliland – iyadoo taas lagaga badalanayo ayuu yidhi nooc aqoonsi ah oo Kenya siiso Somaliland.

“Gudoomiyaha gobolka Meru ee dhaqaalihiisu ku dhisan yahay jaadka nooca loo yaqaan miiraha oo yimi Somaliland ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in uu ku guulaystay in uu ku qanciyo madaxda Somaliland in ay taageeraan gudi-farsamo oo loo saaray sidii jaadka miiraha lagu soo dhoofin lahaa Somaliland – Iyadoo taas lagaga badalanayo nooc’uun aqoonsi ah, oo Kenya siiso Somaliland.” Ayuu yidhi Cabdikariim Axmed Mooge oo intaasi ku daray “Wadankeena ayay ceeb ku tahay in lagu sheego wadan ku badalanayaa aqoonsi yar oo aan dhamaystirnayn oo dawlada Kenya siiso Somaliland, si sunta miiraha lagu soo dhoofiyo Somaliland, waaba hanbada ka hadhay hawadeyguna ha madhato!!!”

Dhanka kale, Cabdikariim Axmed Mooge ayaa sheegay in aanay ahayn in dowladda Somaliland aqbasho in dalka loosoo dhoofiyo jaadka Miiraha oo uu ku sheegay Sun, isagoona ku tilmaamay arrintaasi  ceeb;

“Xidhiidh iyo aqoonsi ku dhisan in sunta miiraha loo soo dhoofiyo Somaliland, ma aha in madaxdeenu aqbasho waayo waa ceeb in aan u muuqano dal aan dadkiisa dan ka lahayn oo suntan ay ku madhanayaan dhaafsada aqoonsi. malaha haday tani rumowdo waxay taariikhda aduunku ku gali “AQOONSIGII MIIRAHA LA DHAAFSADEY”!!!” ayuu yidhi Mooge.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayaa waxa magaalada Hargeysa soo gaadhay wefti ka socda dalka Kenya iyadoo ujeedada weftigaasi aanay xukuumadda Somaliland sheegin wallow ay la kulmeen madaxda ugu sarreysa dalka sida madaxweyne ku xigeenka.