“Xuseenoow Ma Waxaad La Mid Tahay Reer Bani-Israa’iilkii Indhaha Iska Qaban Jiray Aayadaha Aanay Doonayn..” Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Somaliland

0
701

Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse, ayaa ka jawaabay eedaymo uu Wasiirkii hore ee Caddaaladu u jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo.

Shucayb Maxamed Muuse, ayaa Xuseen Axmed Caydiid waydiiyey su’aal la xidhiidha Sababta uu Xisbiga WADDANI wada hadallo ula furay, isagoo Warbaahinta marinaya inaan Xisbiga KULMIYE laga saari karin.

“Xuseen Axmed Caydiid wuxuu yidhi Madaxweynihii aanu Waddanka u dhiibanay lama hayo.  Axmed markii uu yidhi KULMIYE waa la naga saaray waxaan u waydiiyey Gar-yaqaanna waad sheeganaysaa ee waxaad noo sheegtaa Sharciga kuu baneynaya adigoo KULMIYE Sheeganaya inaad Wada-hadal la furto Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI. Adigoon doonaya inaad waxaa Dadka ku qanciso ayaad Shir jaraa’id kasta oo qabato kaga hadlaysaa Wada hadal baanu la fureynaa WADDANI.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Xuseen Axmed  Caydiid is-diidsiinayo xaqiiqada, “Xuseen Axmed Caydiidoow, haddii aanad la mid ahayn Reer Bani-Israa’iil-kii Aayadda Ay doonayaana Akhriyi jiray, Aayadaha Kalena Indhaha Iska Qaban jiray Dadka waxaad ka qancisaa Sharciga kuu banneynaya Adigoo KULMIYE sheeganaya haddana aad wada hadal la furto WADDANI..”