War Deg-deg Ah: Madaxweynaha Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay.

0
834

Waxaa hada garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa soo cago dhigatey diyaaradii Siday madaxweynaha Somaliland iyo marwadiisa Amina waris oo maalmihii u danbeeyey dalka kaga maqanaa safar u khaas ah.

Madaxweynaha ayaa waxa madaarka Hargeysa kaga hor tagay isla markaana soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland , wasiiro , Xildhibano iyo saraakiil xukuumada ka tirsan

Madaxweynaha ayaa la filaya in uu goor dhaw madaxtooyada kula hadlo warbaahinta isla markaana uu ka war bixiyo safarkiisa.