War deg deg ah Dacwadii xisbiga UCID oo lagu Dhawaaqay iyo Faysal oo ku Gacan saydhay +Jamaal oo soo Dhaweeyey+Akhriso Faahfaahinta.

0
740

Halkan Ka Akhri Nuxurka 9-qodob ee laga soo saaray Murankii u dhexeeyey Garabyada Xisbiga UCID

1. In xisbiga UCID labadiisa garab qabsadaan shirwayne aan caadi ahayn muddo shan iyo afartan casho gudahooda oo ka bilaabmaysa 21.07.2016
2. In labada garab soo magacaabaan guddi maamuusha shirwaynahaa oo ah tiro is le’eg.
3. Guddiga tiradeedu waa 10 xubnood oo labada garab midba soo magacaabayo shan xubnood, waxaanna loo soo gudbinayaa magacyadooda Guddiga Diiwaangelinta
a) guddigu waxay iska dhex dooranayaan guddoomiye iyo Xoghaye fulineed oo midba garab ka imanayo
b) Guddigu waxay si is le’eg u soo xulaysaa ergada shirwaynaha
c) Guddigu waxay maamulaysaa shirwaynaha ilaa inta go’aamadiisu ka soo baxayaan
d) Kharashka shirka ku baxayana waxa bixinaya labada garab ee xisbiga si is le’eg.
4. Shirwaynaha waxa lagu ansixinayaa dhammaan qodobada heshiiska labada garab iyo wax-ka-beddelka xeerka guud ee xisbiga UCID ee ku Taar. 12.07.2012.
5. Golaha Dhexe ee xisbiga UCID oo tiradiisa sharciga ahi tahay 181 soo jeedin sharci ahina ka taalo waxa lagu dhammaystirayaa shirwaynaha.
6. Murrashaxnimada Jamaal Cali Xuseen waxay ku dhammaystirmaysaa marka shirwaynuhu ansixiyo, umana baahna shir Gole Dhexe oo dambe oo lagu ansixiyo.
7. Cali Maxamed Yuusuf oo heshiiska loogu ansixiyey guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID wuxuu xilkiisu ku dhammaystirmayaa marka shirwaynuhu ansixiyo

8.Qodobadda 1-aad ilaa 7-aad ee go’aankan waxa ay guddidu u cuskatay sida ku cad heshiiskii labada garab eek u taariikhaysnaa 12.7.2012-kii. Qoddobada 1-aad iyo 4-aad oo u dhigan sidan:(Labada dhinac waxa ay ku heshiiyeen in sida ugu dhakhsaha badan loo hawlgeliyo guddi qaban qaabo oo ka shaqaynaysa qabsoomadda kalfadhiga afraad ee golaha dhexe ee xisbiga UCID iyo shirweyne guud oo aan caadi ahayn, shirka golaha dhexe iyo shirweynaha waxa lagu ansixinayaa dhammaan qoddobada heshiiska, sidoo kale waxa lagu meermarinayaa wixii kaabis iyo wax ka beddel ah ee lagu sameeyey xeerka guud ee xisbiga Ucid.”
Qodobka1-aad Baaragaraafka u dambeeyaa waxa uu leeeyahay(sida oo kale waxa ay labada dhinac isla meel dhigeen in dhammaan guddi hoosaadyada iyo xoghayayaasha xisbiga ay si siman u qaybsadaan.”
9.Waxa kale oo ay u cuskatay:Xeer 14. Qodobkiisa 26-aad oo u dhigan sidan(Guddida diiwaangelinta urrurada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranku waxa uu awood u leeyahay inuu soo saaro xeer nidaamiye, xeerka, xeerka habdhaqanka iyo awaamiir aa naan ka hor imanayn xeer 14.)
Ciddii xukunkan ku qanci weyda waxa u furan inay rafcaan u qaadato maxkamadda saree e Somaliland, Go’aankani waxa uu soo baxay maanta oo ay taariikhdu tahay 21.7.2016-ka.
Allaa Mahad leh.

Dacwadii u dhaxaysay Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo ay is hayeen labada garab ee ay kala hogaaminayeen gudoomiyaha xisbigaasi eng faysal cali waraabe iyo musharaxa madaxweynaah ee xisbiga aqoon yahan jamaal cali xuseen ayaa maanta lagu dhawaaqay.

go,aankan ka soo baxay gudida diwaan galinta ururada iyo siyaada ayaa muddo bil iyo dheeraad ah laga dhul sugayey maadaama oo ay is hayaan masuuliyiinta xisbiga UCID.

dacwadan oo ay markii hore gudbiyeen garabka musharax jamaal cali xuseen ayaa oo la dhegaystay garab yada is haya waxay isu hayaan ee uu midkastaa tabanayo.

dacwadan oo hada lagu dhawaaqay ayaa waxaa ay gudida go,aanada ay soo saareen ka mid ah qodobo dhawr ah oo kala ah in musharaxnimada jamaal cali ay ansax tahay.

in dhinacyada is hayaa dhinac kastaa uu soo magacaabo 5 xubnood si loo qabto shirweynihii xisbiga muddo ka yar labad bilood gudahood.

si shirweynahaasi loogu ansixiyo musharaxnimada jamaal cali xuseen, isla markaana aan loo baahnayn shir golle dhexe

dhinacyada oo ku sugnaa goobtan ay gudidu kaga dhawaaqaysay dacwada ayaa garabka jamaal cali xuseen oo uu u hadlay gudoomiye ku xigeenka 3aad Cali Guray ayaa soo dhaweeyey.

dhanka kale faysal cali waraabe ayaa isagu diiday go,aanka gudida ay soo saareen isla markaan waxa uu warbaahinta kula hadli doonaa xafiiska xisbiga UCID .