“Siyaasiyiinta sabankuna qaarbaan kala garanayn Suldaanka iyo Agaasimaha….Suldaan Xasan ayaan Bedelaynaa Ayuu Yidhi Midi Sidii Agaasimayaasha….”Suldaan Xasan Suldaan C/laahi.

0
757

Suldaanka guud ee Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa u duur-xulay Siyaasiyiinta wakhtigan, isaga oo ku tilmaamay inaanay kala garanayn Suldaanka iyo Agaasimaha.
Suldaan Xasan waxa uu sida ku sheegay maanta mar uu kala hadlayay Xaflad lagu Caleemo-Saaray Suldaanka guud ee beesha Maxamed Daa’uud Ciidagale ee (Guuyoobe) oo lagu qabtay Qoton-dabo.
“Siyaasyiinta sabankuna qaarbaan kala garanayn Suldaanka iyo Agaasimaha….Suldaan Xasan ayaan Bedelaynaa Ayuu Yidhi Midi Sidii Agaasimayaasha….”Ayuu yidhi Suldaan Xasan.