Mujaahid Cali Guray Oo Ka Hadlay Go’aamadii Laga Soo Saaray Khailaafka Xisbiga UCID

0
908

Gudooamiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Mujaahid Cali Guraya ayaa ka hadlay sida uu arko go’aamadii ay gudida diiwaangalinta ururada siyaasadu kasoo saareen khilaafkii xisbiga UCID ee u dhaxeeyey labada garab ee ay kala hogaamiyaan gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo musharaxx Jamaal Cali Xuseen.

Hadii Go’aanka Gudida si caqliyaysan oo cilmiyaysan loo eego wuxu noqon karaa GUUL UCID oo dhami wada leeyahay oo aan cid gaar u lihi jirin cid gaar looga leeyahayna jirin waayo waxa lagu dhamaystiri karaa iyada oo laga duulayo danta Xisbiga oo laga hormarinayo danaha gaarka ah oo dhan.

Kow: waxa wax-ka-bedel lagu samayn doonaa Xeerka UCID
Laba waxa la dhamaystiri doonaa hogaanka sare
Sedex waxa lagu ansixin doonaa Musharixiinta Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku Xigeenka
Afar waxa lagu ansixin doonaa Golaha Dhexe oo intii hore ka badan(301)
Shan waxa lagu ansixin doonaa Gudida Fulinta
Lix waxa lagu dhamaystiri doonaa wixii kale ee qabyo ah ee aan looga maarmi karin.

Halkaa waxa ka soo bixi kara UCID oo ah xisbi qaran oo midaysan oo kasbi kara taageerada ugu badan ee shacbiga Somaliland isla markaana higsan kara inu noqdo Xisbul Xaakimka Somaliland hadii Allaha awooda lihi aqbalo.

Waxa la yidhi nin aniga yidhi rag iska reebe anigu si arimahaas oo dhami u suurtogalaan waan u hurayaa wax walba diyaarna waan u ahay in aan wax walba uga tanaasulo ee bal iska dhaaf dadka kale oo dhan eh Faysal ma laga heli doonaa inu ogolaado badbaadinta Xisbiga uu isagu Gudoomiyaha ka ahaa tan iyo maalintii la asaasay?