Kooxda Khaatumo Oo Diyaarisay Maleeshiyaad Carqaladeeya Diwaangelinta Laga Qabanayo Gobolka SOOL, Jawaabta Dawladda & Heeganka Ciidammada Qaranka

0
880

Kooxda Khaatumo Awood Ma U Leeyihiin Inay Hor-joogsadaan Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Ee Laga Qabanayo Gobolka SOOL ?

Kooxda la baxday Khaatumo ee ka dhaqdhaqaaqyada Deegaanno ka mid ah Gobolka Sool iyo Buuhoodle, ayaa Wada qorshe ay doonayaan inay kaga hor-tagaan in Deegaannada Gobolka Sool laga qabto Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland.

Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland oo marka ay ka soo dhamaato Gobolka Sanaag oo ay ka socoto laga bilaabi doono Gobolka Sool, ayaa Kooxda Khaatumo ee uu hoggaamiyo Dr. Cali Khaliif Galaydh doonayaan inay ka hor-tagaan in sidii la doonayey Diwaangelintu uga dhacdo Deegaannada Gobolka Sool, waxayna Dadweynaha ku dhaqan deegaannadaasi u direen farriin Khaldan, iyaga oo doonaya in Dadku ka hor-yimaaddaan Diwaangelinta.

Kooxdan Nabad-diidka ah, ayaa Diyaariyey Maleeshiyaad kooban oo ay doonayaan inay Weerarro ku qaadaan Goobaha laga fulinayo Diwaangelinta, sida uu sheegay Ninka Kooxdaas ugu Magacaaban Wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha Abshir Cabdicasiis.

Ninkan oo Shalay Warbaahinta taageersan kula hadlay meel aan la sheegin oo ka mid ah Gobolka Sool, ayaa sheegay, “Waxa noo qorsheysan inaanu Arrintaa (Diwaangelinta) Af iyo Adinba kaga hot-tagno, oo aanay meella ka soo gelin deegaannada (Sool)..” ayuu yidhi, Abshir Cabdicasiis oo Kooxda Khaatumo la baxday ugu Magacaaban Wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha, waxaanu intaa ku daray, “Waxaanu ugu talo-galnay in Diwaangelinta Somaliland aanay ka hirgelin inta Degmada Oog ka sokeysa..”

Abshir waxa kale oo uu sheegay inay diyaariyeen Ciidamo uu tilmaamay inay ka hor-tagayaan Diwaangelinta laga bilaabayo Sool, “Waxaanu diyaarinay Ciidamadii ka hor-tagi lahaa Diwaangelinta iyo Xoogag Dadweyne ah oo ka hor-tagaya, Waayo? Waxaanu Diwaangelintaa ku fureynaa Mawjad Dadweyne..haddii kale waxay ka dhigan tahay waxay ka dhigan tahay in Doorasho ka dhacday Dhulkan (Sool)..” ayuu ku dooday Abshir Cabdicasiis oo Kooxda Khaatumo la baxday ugu Magacaaban Wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha.

Laakiin, Dawladda Somaliland ayaa aad uga digtoon dhibaatooyinka kooxaha Nabad-diidka ah ee Khaatumo ka mid tahay la damacsan yihiin Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland ee ka dhacaya Gobolka Sool.

Badhasaabka Gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo Xalay Wargeyska Himilo Khadka Telefoonka ku waydiiyey siduu u arko Hanjabaadda ka soo yeedhay Kooxda Khaatumo, ayaa ku jawaabay, “Diwaangelinta ma Carqaladeyn karaan Kooxdaasi (Khaatumo), mana Joogaan Gobolka Sool, ee malaha Buuhoodle weeyaan halka ay ka hadlayaan.” Ayuu yidhi, Badhasaabka Gobolka Sool, waxaanu intaa ku daray, “Haddayse isku dayaan Ciidamo ayaa jooga Xuduudaha oo dhan kamana soo gudbi karaan.”

Guddoomiyaha Gobolka Sool, waxa uu sheegay in Diwaangelinta ay doonayaan Dadweynuhu, “Diwaangelintana waxa ogol Dadweynaha Gobolka Sool, oo doonaya inay doortaan Xildhibaannadoodii hore Is-xambaarka ku iman jiray..”ayuu yidhi, Guddoomiye Mustafe-Shiine

Dhanka kale, Ciidammada Qaranka Somaliland oo horeba Gacanta ugu hayey Ammaanka Guud ee Gobolka Sool, ayaa haddana kor u qaaday heeganka ay ugu jiraan sugidda ammaanka Hawlaha Diwaangelinta ee laga qaban doono Gobolka Sool, iyaga oo u diyaar ah inay dhirbaaxo ku dhuftaan Cid kasta oo isku dayda inay khalkhal geliso Hawlaha Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha iyo Ammaanka guud ee Qaranka.

Ciidammada Qaranka ee fadhigoodu yahay bariga Gobolka Sanaag, ayaa Toddobaadkan dhirbaaxo xoog leh ku dhuftay Ciidamada Puntland oo weerar gaadmo ah ku soo qaaday Deegaanka Boodda-cadde ee bariga Gobolka Sanaag oo ay ka socoto Diwaangelinta Cod-bixiyeyaashu, waxayna ka qabsadeen Ciidamadii Weerarka ahaa Saddex Gaadhi oo Tikniko ah, Lix Maxbuus oo uu ku jiro Xildhibaan ka mid ah Golaha Wakiillada Maamulka Puntland oo Ciidankaa la socday.