Dalkii Iyo Dadkiiba Way Qalocdaan Siyaasiga Iyo Culimadu Way U Dhammaatay Ayaa La Yidhaa, Markaa…” Sheekh Dirir.

0
116

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mid ah culimada ugu caansan geyiga bulshada afka Soomaaliga ku hadla, ayaa ka hadlay marxalado dhawr ah oo noloshiisa bilaw ilaa hadda halka ay marayso, waxaannu sidoo kale farta ku fiiaqay maadaama oo uu ka mid yahay shaqsiyaadka magaca Alle ku galladay khasaare iyo faa’iido wixii uu kala kulmay inuu noqday caalim aad loo wada jecelyahay, balse mararka qaar hanjabaado iyo dad weerar kula kacayba la kulmay.

 

Sheekh Dirir oo lagu waraystay barnaamijka ku dayo muwaadinka danta guud ee uu hormuudka ka yahay Mr. Rashiid Sulub Caalin, ayaa markii ugu horaysay waxa  uu kaga hadlay taariikh-nololeedkiisa waxbarasho, halka uu ku soo barbaaray, dhibaatooyinka uu ka dhaxlay inuu noqday mid ka mid ah culimada ugu caansan Soomaalida iyo sidoo kale ka weerarro iyo hanjabaado loo geystay, isagoo dhinaca kale ka hadlay fariiqooyinka tirada badan ee culimada diinta iyo fasiraadda uu ka bixiyey macnaha erayga siyaasadda.

“Sannadkii 1963-kii muddo ku siman ayaan dhashay oo barigii hore waxba lama qori jirin oo waddanka Itoobiya ayaan ku dhashay, anigoo yar oo aan weyneyn ayaan imi magaalada Hargeysa, markaa Hargeysa iyo hareeraheeda ayaan ku soo kacaamay, degaankan Somaliland ayaanan ku noolaa muddooyinkaas dambe oo dhan,” ayuu yidhi Sheekh Dirir oo ka hadlay taariikhdiisa.

Waxa uu intaas ku daray, “Waxbarashadaydii waxa gacanta igu hayey aabbahay Allaah ha u naxariistee oo ka mid ahaa culimadii Soomaalida, waana Sheekh Cumar Dirir, markaa Qur’aanka kariimka ah iyo kutubta hoose iyo kutubta dhexe isaga ayaa ii dhigay oo aabahay ayaa muddo dheer gacanta igu soo hayey. Dugsiyada Carabiga ah Hargeysa ayaan ka galay, markii dambena xalqadaha masaajidada ayaan u badnaa markii uu geeriyooday aabbahay, kolkii dambena dibadda ayaan u baxay oo shahaadada Master-ka oo luqadda Carabiga iyo culuumta shareecada ayaan ka soo qaatay.”

Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo ka jawaabayey su’aal laga waydiiyey faahfaahinta ku qoyska uu ka soo jeedo, waxa  uu yidhi; “Kolley waxaan ka soo jeeday qoys ehelu diin ah oo Allaah ha u naxariistee awowgay Sheekh Dirir Axmed inta ka farcamay waxay ahaayeen lix ubadkiisa ahaa, runtiina afar ka mid ah ayaa culimo ahaa – Sheekh Cumar, Sheekh Cabdiraxmaan, Sheekh Cali iyo Sheekh Cilmi, afartaas ayey ahaayeen oo qoys culimo ayey ahaayeen  lagu yaqaanay, kana qaybqaadan jiray faafinta diinta islaamka. Adigu aabbahay wuxuu tafsiirka iyo siirada ka akhriyi jiray magaalada Berbera ilaa kontomeeyadii.

“Mararka qaarkood waxa laga yaabaa masaajidka iyo goobaha aad wax ka akhriyeyso inuu qof kuugu yimaad ku leh sameecadda iga daa khatiyaan ayaan ka taaganahaye. Nin ayaa muddo dheer i daba socday oo…”

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay, dhibaatada mararka qaar ay leedahay in qofku caan noqdo amma isaga shaqsiyan saameynta ay ku yeelatay in uu noqdo sheekh caan ah oo bulshadu wada taqaan, “Runtii shayga la yidhaa in uu qofka caan noqdo oo magaciisu soo baxo meel kastaba ha gaadho dhibna way leedahay, dheefna way leedahay, oo dheef way yeelan karta oo dadkaagii oo ku ixtiraamaya amma mararka qaar aad salaantooda ku daalayso way jirta oo ay kugu kellifayso meelo aanay dadku ku badneyn in aad marto oo luuq-luuq ah. Raximuhu Laaha Axmed Ibnu Xambal imaamka la odhan jiray ayaa yidhi; ‘nin saaxiibkii ahaa oo Cabdillaahi la odhan jiray wuxuu ku yidhi Ilaahay ka magangal in aad noqoto qof la yaqaano oo caan ah dadka dhexdiisa aniga ayaa la igu ibtileeye oo waatii muddo dhan la xidhayey ee afarta calaacalood laga garaacayey, iyadoo arrin diinta fidno ku aheyd lagu cadaabayey oo arrin qaaciidada ku saabsan oo taariikh dheer laheyd, markaa dad ku ammaanaya iyo kuwo ku eedeeya labadaba way leeyihiin.”

“Mararka qaarkood waxa laga yaabaa masaajidka iyo goobaha aad wax ka akhriyeyso inuu qof kuugu yimaad ku leh sameecadda iga daa khatiyaan ayaan ka taaganahaye. Nin ayaa muddo dheer i daba socday oo wuxuu igu odhan jiray; ‘Idaacadda iga xidh oo idaacadda aad qur’aanka ka sii daynayso khaatiyaan ayaan ka joogaa oo degaanka miyiga ayaan u baxay oo way i daba socotaa, magaalada ayaan tegay way i daba socota oo haddana meel heblayo ayaan tegay way i daba socotaa, waar Ilaahay haddii aad taqaan idaacaddaada iga xidh, haddii kale qori ayaan soo qaadanayaa haddii aad idaacaddaada iga xidhi waydo.’ Kadib waxa aan ku idhi; ‘waar anigu idaacadda ma hayo maamulkeeda ee dad kale ayaa haya oo anigu cajaladda ka baxda ayaan leeyahay ee iska xidh raadyowga haddii aanad dhegaysan karayn.” Markaa labada dhinac ee kuwo ku neceb iyo kuwo ku jecelba way jirayaan.

Waad ka war haysaa in nin aan waxba na dhexmarin uu mar madaxa wax igaga dhuftay, hadda waxbaba isugu maanaan iman, markaa kolley waa wax iska caadi ah nolosha oo soo socotay waxay u baahan tahay samir in uu lahaado oo hawshiisana sii wato.”

Sheekh Dirir oo fasirayey macnaha erayga siyaasadda iyo talooyinka uu mararka qaar u jeediyo madaxda siyaasadda Somaliland, waxa uu yidhi; “Kolley siyaasaddu sida aynu ogsoonahay waa noloshii oo dhinacyada diinta, adduunyada iyo horumarka dadka, siyaasiyiintuna waa kuwii dadka kala hagayey sida ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka oo kale, markaa waxa la yidhaa haddii ay siyaasiga iyo culimadu qalloocdaan dalka intaasi ka qalloocdaan wuu ka shubaa oo way u dhammaatay. Markaa waxa aannu (siyaasiyiinta) dhexgalnaa markaannu aragno in nabadgelyada waddanku khalkhal geli karto oo dhibaato ku iman karto ummadda, waqtigaasi ayaanuna kolley dhexgalaa haddii aannu nahay culimada oo talooyin waa siinnaa, inta badanan way qaataan iyaga oo na ixtiraamaya, maadaama oo aanay mucaarid iyo muxaafid midna culimadu.”

Mar la weydiiyey aragtidiisa ku saabsan fariiqooyinka tirada batay ee culimada Somaliland qaarkood waxa uu ku jawaabay;  “Horta diinteenna Islaamku waa mid keli ah, Ilaahayna wuxuu yidhi waxaannu idinka dhignay ummad caddaalad ah oo urursan oo ummadanimadooda xaqiijinaya oo diintana ku toosan, Nebi Muxamedna (NNKH) waxyaabaha ummadda ugu muhiimsan ee caqiidada ka sakow uu u qabtay waxay ahayd ummadda inuu ururiyey oo dadkii qabaa’ilka isku laynayey iyo kooxaha uu diin isugu keenay, waannu ururiyey oo dad mabda kali ah oo diinta Islaamka ku midaysan ayuu ka dhigay, kuna midaysan kitaabka kariimka ah iyo sunnaha wanaagsan, markaa innaga oo taas ka duulayna dadka maaha in loo qaybiyo kooxo iyo qabaa’il, laakiin waa in quluubta ummadda la isu geeyo si ay diintooda iyo duunyadoodaba uga horumaraan oo ciddii shisheeya ah ee soo hawaysan laheydna uga hadho,” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Sheekh Cumar.

Comments

comments