Wejiga Labaad Ee Wada Hadaladii Xisbiga Waddani Iyo Isbahaysiga Oo Dib U Furmaya, Iyo Cirro & Xirsi Oo Hargeysa Ku Soo Noqday

0
754

Wada hadaladii u dhexeeyay ee muddo u socday xisbiga Waddani iyo siyaasiyiinta isbahaysiga KULMIYE, ayaa la filayaa inay dib u bilaabmaan.

 

Wada hadaladan oo muddo soo socday, ayaa la sheegay inay hadda ku dhow yihiin gunaanad, waxaana laga yaabaa inay dhawaan labada dhinac wada jir ugu dhawaaqaan in wada hadaladii dhammaadeen islamarkaana la gaadhay heshiis siyaasadeed.

Bilowga wejiga gunaanadka wada hadalada ayaa lala sugayay soo laabashada guddoomiye Cirro oo safar ugu maqnaa gobalka Sanaag oo ay diiwaangelintu ka bilaabmtay iyo wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna ku maqnaa gudashada waajibaadka Cimrada. Cirro iyo Xirsi ayaa labaduba hadda ku sugan caasimadda Hareysa, ka dib markii ay ku soo noqdeen toddobaadkan.

Wada hadalada labada dhinac ayaa inkastoo ay socdeen muddo dheer, haddana aanay jirin meel ay weli isugu biyo shubteen, waxaanay dadka siyaasadda falanqeeyaa aaminsanyihiin inaanay weli siyaasiyiinta isbahaysigu u soo shin go’in xisbiga Waddani  inay ku biiraan.

Hase yeeshee Xisbiga Waddani ayaa guclo iyo orod ugu jira sidii u kasban lahaa siyaasiyiinta isbahaysiga oo u badan wasiiradii iska casiilay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo masuuliyiin kale oo ka tirsanaa madaxda xisbiga KULMIYE.  Siyaasiyiinta isbahaysiga ayaa ah koox isku duuban oo weli leh miisaan siyaasadeed, kaas oo hadba halka ay ku biiriyaan u keenaysa laba kaclayn siyaasadeed oo culayskeeda leh.