Wasiir Cadaani Oo U Jawaabay Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Gudaha Duur, Kana Difaacay Madax-weynaha Hadalo Deel qaaf Ah Oo Kasoo Yeedhay Xisbiga Wadani

0
1043

Wasiirka Caddaani Oo U Jawaabay Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Gudaha Duur, Madaxweynaha Ka Difaacay Hadalo Deelqaafa Oo Kasoo Yeedhay Xisbiga Waddani

Gar-adag(Gudgudenews.com) Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi gelinta somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) ayaa jawaab adag ka bixiyey hadal kasoo yeedhay Maxamed Nuur Caraale Duur oo hore u ahaa Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland hadana kamida Xisbiga Mucaaridkaa ee Wadani, kaasoo uu ku duraayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilland, hadalkaa kasoo yeedhay Duur waxaa jawaab ka bixiyey Wasiir Cadaani

Wasiir cadaani ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu yahay hogaamise geesinimo muujiyey kuna dhiiraday furista Ururada iyo Axsaabta uu Duur u olalaynaayo waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “ Waxaa weeye Duur Axsaabtan uu ku faanayo uu maanta ku ololaynaayo waa kii furay, Axsaabta markii laga wada maagaayey duur maanta umuu oloyeeyeen Wadani halkana laguma soo dhaweeyeen isaga iyo Gudoomiye Cirro hadaanu Siilaanyo Axsaabta furin oo aanu geesinimo iyo badheedh aanu ku samayn”
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa Duur ku canaantay in Madaxweyne siilaanyo geesino ugu magacaabay isagoo aan hore masuuliyad usoo qaban marka laga yimaado xubinimadii Golaha Baarlamaanka uu ka ahaa waxaana uu Md: Cadaani markale ku celiyey sidan “ Waxaan leeyahay oo kale Duurow adigoo xildhibaana oo wax khibrada oo aad leedahay aanay jirin oo aan waligaa shirkad soo maamulin oo aan waligaa Agaasime soo noqon oo aan waligaa wasiir kale soo noqon aan waligaa qurba joog soo noqon meelo badan sidayda lasoo shaqeeyey Senator iyo Governaro ayuu badheedhe iyo geesinimo kuugu magacaabay isagoo kugu tashaday inaad tahay inaad qaranka wax u qaban karto Wasiirka Daakhiligee Jamhuuriyadda Somaliland waa maxay geesinimada ka weyn aad ka raadinaysaa oo aad ka doonaysaa, waar ma ninka 50-ka sanadod u xidhnaa Jamhuuriyadda Somaliland si ay u noqon lahayd dal jira maantana soo xareeyey Maalgashigii qaranka Jamhuuriyadda Somalialnd ugu weynaa ay tahay Dekeda Berbera oo Gar-adag ka faaidi doonto oo lawyacado ka faaidi doonto oo ka Awboogays joogaa ka faaidi doono oo ka Laasqoray joogaa ka faaidi doono anigu garan maayo waxay tahay”

Dhawaan ayey ahayd markii Maxamed Nuur Caraale Duur oo hadal kasoo jeediyey Xaflad Xisbiga Wadani ku qabsaday Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag islamarkaana uu Madaxweynaha qaranka ku duray dalado deelqaaf ah oo ka baxsan diblumaasiyada ahaana shikhsi weerar.