Somaliland: Shir Nabadeed Go’aamo Ka Soo Bixi Doonaan Maanta Oo Shalay ka Furmay Aw-boogays

0
744
  • “Ciidamo Inaanu Ku Qabsan Karno Dhulbahante Ma Aaminsanin, Waxaanu Doonaynaa Inaynu Qaran Wada Yeelano”  Wasiirka Madaxtooyadda
  • “Gogoshii Madaxweynuhu Samadda Ma Taallee, Waxay Taallaa Awr-boogays”Wasiirka Biyaha
  • “Waxaanu Idiinku Nimid Markii Aad Ajiibteen Gogoshii Nabadeed Ee Madaxweyne Siilaanyo, Madashuna Waa Mid Somaliland Indhaha Ku Hayso” Wasiirka Warfaafinta
  • Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa shalay  Deegaanka Awr-boogays ee gobolka Sool  si rasmiya ugu furay shir nabadeed loogu magac-daray Samo-talis oo lagu sii ambo-qaadayo gogoshii  uu  hore Madaxweynaha Somaliland u fidiyey beelaha Sool, Xaysimo iyo Sanaag ee uu doonayay in lagu dhammaystiro tabashooyinkooda.

     

    Shirkaasi oo u dhaxeeya Xukuumadda Somaliland iyo beelahaas waxa ka qeyb galay 200 oo  ergey  oo iskugu jiray madax-dhaqameed, siyaasiyiin iyo aqoon-yahanno   ka kala socday beelahan, halka dhinaca dawladda Somalilandna ay uga qeyb galeen, Wasiirro Xukuumadda ka tirsan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada Madaxtooyadda, Khayraadka Biyaha, Warfaafinta, Dib u dejinta, badhasaabo iyo 12 Maayar degmo  iyo xidhibaanno ka tirsan golayaasha baarlamaanka Somaliland.

    Cabdilaahi Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ahaa madax-dhaqameedkii furitaankii shirkan ka qeyb galay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay jawiga iyo yuhuunta uu ku qabsoomay shirkan nabadeed ee ay ku heshiinayaan beelaha degan saddex gobol oo kala ah Sool, Xaysimo iyo Sanaag, waxaanu sheegay inay diyaar u yihiin inay wax la qabsadaan dawladooda Somaliland.

    Wakiilka garaadku waxa uu intaas ku daray inuu Madaxweynaha Somaliland uga mahad celinayo gobolka Xaysimo iyo degmooyin kale ay dawladda Somaliland u magacowday beelaha shirkan qabsaday.

     

    Wasiirka khayraadka biyaha Somaliland Md. Baashe Cali Jaamac oo ka hadlay shirkan ayaa guul weyn ku tilmaamay shirkan oo uu sheegay inuu fikirkiisa koowaad lahaa madaxweynaha Somaliland.

    “Shirkan oo inuu hirgalo aynu bulsho ahaan xiisaynay, dawladda Somaliland-na dhinaceeda ka siisaynaysay inuu maanta Arboogays ka qabsoomo waa mid aan ILAAHAY uga mahad celinayo oo wax lagu farxo ah. Dadka qaar ayaa odhan jiray Gogoshii nabadda ee Madaxweynuhu halkee bay taallaa, waxaan leeyahay gogoshii Madaxweynuhu samadda ma taallee waxay taallaa Awr-boogays ayay taallaa,”ayuu yidhi Wasiirka Khayraadka Biyuhu.

    Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) oo ka hadlay shirkaasi ayaa sheegay in madashaasi go’aamada ka soo baxa ay u dhegtaagayaan reer Somaliland oo dhammi.

    “Socdaalka aanu halkan (Awr-boogays) ku nimid waxa uu daaran yahay inaad ajiibteen gogoshii madaxweynaha oo nabadgelyadii nala qaadateen. Shirkani waa mid ahmiyadiisa leh oo ay u dheg taagayaan Somaliland oo dhammi waxa ka soo bixi doona. Waxaan ILAAHAY innooga baryayaa inay ka soo baxaan wax dalka iyo dadkaba u wanaagsani,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu, waxaanu ammaan balaadhan u jeediyay waxgaradkii, cuqaashii iyo aqoon-yahanadii shirkan soo qaban qaabiyay ee deegaamadda fog uga yimid inay ka qeyb galaan shirkaas.

  • Wasiirka Madaxtooyada Somaliland  Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ergooyinkii shirkaasi ka qeyb galay u jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa, isaga oo sidoo kalena ka hadlay ujeeda gogosha nabadeed ee uu madaxweyne Siilaanyo beelahaasi u fidiyey. Waxaanu yidhi “ Waxaanu idiinka mahad celinaynaa sidii qiimaha badnayd ee gobonimada iyo garashada lahayd ee naloogu soo dhaweeyey deegaankan Awr-boogays, si gaar ah waxaanu ugu mahad naqayaa waxgaradka, waayeelka iyo dadweynaha reer Awr-boogayseed. Waxaanu waxgaradka iyo waayeelka shir weynahan ka soo qeyb galay ku hambalyeynaynaa urursanaanta iyo abaabulka loxodan ee ka muuqda iyada waanu ku hambalyeynaynaa.”

    “Waxaan jecelahay inaan idin gudoonsiiyo salaan aan idiinka sido Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, oo aanu si rasmiya ugu wakiil nahay, gogoshii nabadda ee uu dhigayna shirkani qeyb ka mida uu yahay, walaalayaal sharaf weyn ayey noo tahay in aanu idiin nimaadno, shirkana idinkala soo qeyb galno, waa shir taariikhi ah, waa shir miisaan weyn leh oo ay isugu yimaadeen beelaha lixaadkaa leh ee deegaanka balaadhan ka soo jeeda, waxa ka muuqata tallo ka dambaysa oo maanta reerka beelaha miisaanka lihi in aanay u dambayn, sidoo kale Xukuumadda Somaliland waxa ay u aragtaa oo shirkani wuu u qiimaysan yahay, annagana tallo nooga dambaysaa ma jirto, waxaanu u aragnaa shirkani inuu yahay kii aynu ku wada tashan lahayn. Shirkan ujeedada aynu la leenahay waxa weeye inaynu ku wada tasho in aynu turxaan saar ku samayno, in aynu ku abuurno iskaashi kuna xoojino wax wada qabsi iyo wadashaqayn, waxa aanu doonaynaa way cadahay,  waxa aanu qarinayno oo marba cid kula faqayno maaha, waxa aad doonaysaa waa cadahay oo waanu garanaynaa, waxa aanan garanayna waa noo sheegi doontaan, “ Qoodhi fagaare ayey ku warsheegootaa.” Markuu shirku noocan yahay laba faqda iyo waxa laysu qoor laabo wuu ka weyn yahay wax la qariyo ama lala hulaabtana wuu ka wayn yahay, dhaqanka aynu leenahay ayaa sidaas ah,”ayuu ydihi Wasiirka Madaxtooyaddu.

    Mudane Maxamuud Xaashi ayaa geesta kalena ka hadlay qiimaha ay leedahay walaalnimada dadka reer Somaliland waxaanu yidhi “Waxa aanu wadnaa in aynu is bogsiino, waxa aynu nahay dad walaalo ah, dad dalka, dadka iyo daaquba ka dhaxeeyo ayeynu nahay, dad ab iyo isir wadaaga ayeynu nahay, dad kala maqnaan kara ama nihin, waxa aynu nahay dad wax wada leh, dad isu talin kara ma nihin, dada kala tashan karana ma nihin, waxa aynu nahay dad ku meel mari kara wadatashi kaliya iyo wax wada lahaasho inaga oo siman ILAHAY ayaa ina simay, horena umaynaan kala sarayn jirin, maantana ma kala sarayn karno, maanta maynaan abuurmin, dad taariikh sooyaal ah leh ayeynu nahay.”

    Wasiirku oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi  “Rag isu talin kara oo is qabsan kara ma nihin, rag cudud isku maquunin karana ma nihin, taariikhda nolosheena hore umay soo marin, imikana idinma maquunin karno, ma qabno in aanu idin maquunino, ciidamo iyo qoryo in aanu ku qabsan karno Dhulbahante iyo deegaanadan aanu maanta joogna ma aaminsanin, siyaasadayada maaha, waxaanu doonaynaa inaynu wax wada yeelano inaynu cad wada guulno, ma socon karto qaranimada Somaliland-na laguma meel marin karo hadaydaan nala wadin, oo gaadhiga shidkiisa iyo dushiisaba nala fuulin oo aydaan  nala hagin, hadii aydaan dirawal nala noqon Somaliland dhulkan ka shaqayn mayso. Somaliland oo qaybsan oo qaybi baraaqo tahay oo nabad iyo maamul ka jiro qaybina qasan tahayna dal ma noqon karto, taas khibradeeda iyo waayo aragnimadeedna waanu leenahay idinkuna waad leedihiin.”

    Wasiirka Madaxtooyada JSL ayaa sidoo kale faahfaahiyey waxay ay Xukuumadda Somaliland doonayso waxaanu yidhi “ Waxaanu doonaynaa Somaliland qaran la yidhaa inaanu dhisno, waxaanu doonaynaa dal Somaliland la yidhaahdo oo nabad ah, oo horumar laga hirgaliyo dhulkan, oo dawladnimo taam ah laga hir galiyo, oo aad qayb ka tihiin oo taladiisa waxa ku leedahiin, oo miiska waxa lagu goynayo aad fadhidaan ayaanu doonaynaa, waana sida saxda ah.”

    “Walaalyaal xeedhada hadaa nagu tuhmayseen in aanu wax tuurta ku sidanay dhulka ayaanu dhigaynaa, nala ogaada, gacanta nala galina, nala qaybiya oo nala qorsheeya, taasi waa sida kaliya ee aynu ku noqon karno Umad midaysan waxna ku wadaagi karno. “ Hadal waliba hoos ayuu leeyhay” maanta waa daahfurkii iyo hadalka bilowgiisii, galabta ilaa caawana waynu wada hadli doonaa, waxa aynu gali doonaa arimaha ina hor yaala ee aynu doonayna inay xal u helo, si aynu bogeena burcad u marino, si aynu midnimo iyo horumar buuxda u meel marino, arrintaasi maaha mid ku koobnaan doontaa beelaha Maxamud Bari Hiniinle iyo C/raxmaan Harti, waxay tani hordhac iyo teed u noqon doontaa beelaha Dhulbahante oo dhan. Maaha siyaasadaynu in aanu dhulbahante qayb qaybsano, waxa weeye Geella wa laysku hagaajiyaa, waynu isku hagaajinayaa Geella, darka ayenu isugu keenaynaa, arrimahas oo dhan waynu gacal togaalaynaynaa, qabyana kaga tagi mayno xaajada,”ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Wasiirka Madaxtooyadda oo khudbadiisu ay soo jiidatay ergadii shirkaas fadhiday isla markaana uu u dhacay sacabkii ugu badnaa.

  • waka naka