Mujaahid Cali Guray Oo Mar Kale Ka Hadlay Dib U Dhac Ku Yimaada Doorashooyinka Somaliland, Dhaliilo Xoogana Usoo Jeediyay Golaha Wakiilada Somaliland+Fariin Uu U Direy Madaxwayne Siilaanyo

0
867

Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID mujaaahid Cali Guraya ayaa ka hadlay dib u dhac ku yimaada doorashooyinka isbarkan ee baarlamaanka iyo madaxtooyada ee la filayo inay bilowga sanadka 2017 ka qabsoomaan dalka Somaliland.

Waxana uu dhaliilo usoo jeediyay mujaahid Cali Guray golaha wakiilada isaga oo ku eedeyey inay wali xildhibaanada golaha wakiiladu rabaan inay sii fadhiyaan kuraasida golaha, waxaana uu fariin u direy madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”.

Mujaahid Cali Guray ayaa arinkan kaga hadlay qoraal uu ku baahiyay baraha bulshadu ku kulanto waxaana uu u dhignaa sida tan.

 

CIIDAN UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA

Dhinaca sharciga haduu yahay Xeerka iyo Go’aankii muddo kordhintii Guurtida ee Maxkamadda Sare xalaalaysay yahay kuma jirto laba doorasho oo la kala qabanayo ee waxa jira oo keliya laba doorasho oo is huwan oo isku mar la wada qabanayo waxana loo mudeeyay 28 March 2017. Sida sharcigu yahay Go’aankii Maxkamadda Sarena ahaa labada doorashoba waa inay sidii loogu talogalay ku qabsoomaan hadii Allaha Awooda lihi aqbalo mana jirto carqalad aan laga gudbi karin oo hor taagan in labada doorasho xiligii loogu talogalay ku qabsoomaan, waa hadii daacad laga yahay.Madaxwaynaha, sidii uu hore u cadeeyay hadii ay ka go’antahay in doorasho xor ah oo xalaal ah ka qabto dalka cid kale oo is hortaagi kartaa ma jirto xataa hadii ay wakilladu ka cago jiidaan sidii horeba ay u caadaysteen inay saami qaabsi been ah oon jirin marnarsiiyo ka dhigtaan waanay muuqataa in arinkoodu yahay XEERKII HORE TUUR KU DAMBENA DIID. Markaa xilku wuxu saaran yahay Madaxwaynaha hore uga ogolaaday 7 sanadood oo muddo kordhin ah inu hadana ka ogolaado muddo kale oo kuraasida ay ku daxalaysteen ku sii fadhiyaan iyo in markan uu gaashaanka u daruuro kana furdaamiyo qaranka belaayadan ku maran

Midna ma dhacayso hadii ay dib u dhacayso Doorashada Wakiiladu inay keligeed dib u dhacdo ee labada doorasho dib ayay u wada dhacayaan. Taasina hadiiba ay dhacdo waa ayaan darro kale iyo fashilaad qaran. Wakiilada iyaga xaalkoodu waa nin qoyani biyo iskama dhawro wax ceeb ku ah iyo wax ay ka xishoodaan midna ma jiro marka ay dantoodu gaarka ah tahay, muxaafid iyo mucaaridna ma kala aha. Madaxwaynaha oo hadii ay ka go’an tahay inu meel mariyo doorashada ay isaga u furan yihiin wadooyin mid ka badani wuu suurtogelin kara in doorshadu ay ku qabsoonto sidii loogu talogalay waa hadii markan uu u hiiliyo qaranka uu isagu yahay masuulka ugu sareeya. Hadii sidii caadada ahayd uu ka talo qaato dad aynu ognahay in marna aanay si qaran u fakirayn horena ugu fakari jirin ee iyagu tooda gaarka ah iyo hadba sida ay ugu badinayso uun ka raacda dee way cadahay in saami qaybsi aan jirin hadana marmarsiiyo looga dhigan karo in la fashiliyo doorashada oo hadana muddo kale oo cimri dherarsi iyo isu kordhin ahi ay iman karto. Taasina waa qaran jab.

Iyada midna meesha ka saar in inta labada doorasho la kala qaado ta Madaxtooyada oo keliya la qabto waayo ma dhacayso Madaxwaynaha iyo xukuumadiisuna uma malaynayo inay ogolaan karaan idinku dareera oo kuwii 12 sanadood kuraasida ku daxalaystayna ilaa intay doonaan ha ku sii maxaafsadaan kuraasida mudada 7da sanadood ah kuwii xaqa u lahaa inay u tartamaana ay intaaba ku dul gaaf wareegayeen ee laga horjoogay. Hadii ay hadana mar kale dib u dhacdo doorashadu wax ka yar maaha ee waa khiyaamo qaran oo sideeda u taal Iyo taariikh madow oo lagu xusi doono xiligii uu Madaxwayne Silanyo hogaaminayay Somaliland. Somaliland qaran ahaana waxay ku tahay ceeb in kasta oo inta maanta talinaysa ay aad ugu yar yihiin inta si qaran u fakiraysaa hadii ay jiraanba. Kuwa maanta inoo talinaya danta qaranka waxa kala wayn danahooda ay gaarka u wada leeyihiin ama u kala leeyihiin. Markaa Somaliland Ilaah badbaadiya ayuun bay leedahay ee CIIDAN UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA.