Hubka Iyo Gaadiidka Dawladda Qaahira Ku Wareejisay Soomaaliya Waa Astaan Kale Oo Ka Turjumaysa Colaada Ay u Hayso Somaliland

0
758
  • Shacbiga Somaliland Sidee Ayay u Arkaan Masar Oo Mar Kale Hub Ugu Deeqday Soomaaliya?

 

  • Qeybo Ka Mid Ah Hubkii Lagu Gumaaday Shacbiga Somaliland Waxa Siyaad Barre Ku Qalabaysay Masar
  • Dawladda Masar, ayaa ugu deeqday hub iyo gaadiid ciidan dawladda ciidammadda midowga Afrika ilaaliyo ee Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho. Taasi oo ah mid dawladda Soomaaliya oo ka mid ah qarramada guul daraystay ay u isticmaali karto dhaqdhaqaaqyo dhan ka ah Jamhuuriyadda Somaliland oo xornimadeeda kala soo noqotay Soomaaliya sannadkii 1991-kii, ka dib dagaalkii qadhaadhaa ee shacbiga Somaliland la galeen dawladdii Siyaad Barre.Dawladda Masar oo ka mid ah dalalka sida weyn uga soo hor-jeeda qaddiyadda madax-banaanida Somaliland, isla markaana dawladdii Siyaad Barre ku caawisay hub badan oo lagu fuliyay xasuuqii loo geystay shacbiga Somaliland ee dadkii rayidka ahaa ee ku naf waayay lagu qadaro 50 Kun oo qof, ayay deeqda hubkan u arka mid Masaaridu ay dab hor leh ku sii shubayso dalka colaaduhu la hadheen ee Soomaaliya.

     

    Illaa imika ma jirto wax war ah oo dawladda Somaliland ay ka soo saartay hubkan iyo deeqdan Milatari ee dawladda Qaahira gudoon siisay Soomaaliya.

    Dowladda Masar ayaa Salaasadii dowladda Soomaaliya ku wareejisay hub, gaadiid iyo sanaad ciidan oo loogu tallo-galay  ciidamada Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababran ee loo yaqaan Danab.

    Saanaddan ciidan, ayaa waxaa wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya guddoonsiiyey Danjiraha dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya Waliid Maxamed Ismaaciil. “Waxaanu taageereynaa walaalaheena Soomaaliyeed, Hubkan iyo Gaadiidka Ciidanka oo ay ku jiraan kuwa gurmadka deg degga ah waxaan maanta ku wareejineynaa dowladda Soomaaliya, si gaar ah waxaan uga qeyb  qaadaneynaa howlaha dib u dhiska ciidamada Soomaaliya” ayuu yidhi danjire Waliid, sida aanu ka soo xiganay laanta afsoomaaliga ee VOA.

     

    Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo danjire Waliid ka guddoomay qalabkan ayaa uga mahad celiyey dowladda Masar taageerada ay u fidisay Soomaaliya.

    Dowladda Masar ayaa dhinaca kalena ballan qaaday inay taageero kale u fidin doonto dowladda Soomaaliya mustaqbalka dhow.