“Haddii Duruufihii Sharciga Ahaa Yimaadaan Muddo Kordhintu Waa Daruuri”

0
843
  • Xildhibaanku Waxa Uu Duray Dhaliilo Lagu Xaqirayo Madaxweyne Siilaanyo Oo ka Soo Yeedhay Wasiirkii hore Ee Cadaallada
  • Mubaarig Bidhi Waxa Saami-qeybsiga Kuraasida Baarlamaanka Somaliland oo ah caqabad ka jirta Dalka
  • Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee Magaalada Burco, ayaa ka hadlay eedo uu Wasiirkii hore wasaarada cadaalada Somaliland  Xuseen Axmed Caydiid, u jeediyay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

    Xildhibaanku  sidoo kale waxa uu ugu baaqay hay’addaha ay khusayso in xukuumadda Somaliland iyo Madaxweyne Axmed  Siilaanyo loo sameeyo muddo kordhin laba sannadood ah iyo wixii ka badana.

    Dhanka kale waxaa uu ka hadlay xildhibaan Bidhi saami qeybsiga kuraasta golaha wakiilada oo muddooyinkii u dambeeyay ay hadal heyntoodu socotay.

     

    “Hadalada ka soo yeedhay Xuseen Axmed Caydiid waxaa ay ahaayeen qaar meel ka dhac ah, laf jabna ku ah qaranka, waxaanu yidhi wadanka yaa ka taliya?, yaa loo kordhinayaa, hadaladaasi waa qaar meel ka dhaca, Madaxweynaha Somaliland-na xaal baanu ka siinaynaa, waayo dalka Madaxweyne ayaa loo doortay waana kii isaga soo magacaabay ee golahiisii wasiirada ee ugu horeeyay ku daray, ee Mudada shanta sanno ah u shaqeynaayay ee uu Wasiirka cadaalada u ahaa mudada shanta saNnadood ah.”

     

    Xildhibaan Bidhi oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay  “Madaxweynihii  ku magacaabay ilaa hada isaga ayaa tallada wadanka haya, isagaana ka taliya, mana ogin cid kale oo ka talisa dalkan oo aan ka aheyn Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamad Maxamuud Siilaanyo, markaa ninkaaga yidhi yaa loo kordhinayaa, waxaa loo kordhinayaa ayaan ku leeyahay Madaxweynaha sharciga ah ee tallada wadanka haya, ee horumarka iyo barwaaqada gaadhsiiyay wadankan ayaa loo kordhinayaa haddii doorashaddu dib u dhacdo oo daruuri loo arko,  cida kordhinaysaana waa golayaasha sharciga, haddii duruufihii sharciga ahaa yimaadaan ma jiraan wax diidaya in Madaxweynaha muddo kordhin loo sameeyo, inkasta oo isaguba (Madaxweynaha)  uu sheegay inaanay ogolayn in maalin lagu darro.”

     

    “Haddaba sidaas oo ay tahay anigu waan taageerasanahay in Madaxweynaha muddo kordhin loo sameeyo, waayo wadanka horumar aad u balaadhan ayuu gaadhsiiyay, mashaarico badana gacanta ayuu ku hayaa markaa in laba sanadood iyo in ka badan la kordhiyaba waan soo dhaweynayaa, waxaan u soo jeedinaya dadka hadlaya, waar dawladaha hareeraheena aynu eegno, madaxweyne kaliya oo wax laga sheegaa ma jiro,”ayuu ku dooday Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi).

     

    Sidoo kale xildhibaan Bidhi waxaa uu ka hadlay saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada Somaliland oo maal-mahan danbe hadal heyn badani ka dhalatay waxaanu yidhi “Wadan Dimuquraadiya ayaynu joognaa, markaa maanta cida leh aynu beelo ku qaybsano amase cida leh reer hebelbaa reer hebel ka badan, bari hore ayaa laga yimid, oo laba mid uunbay noqonaysaa, waynu ka gudubnay waxaase ama sidan imika ha loo daayo ama doorashada wixii ka soo baxa halagu qaybsado.”