Madaxweynaha Kililka Iyo Odayaasha Gaashaamo Oo Kulan Muhiim Ah Yeeshay

0
866

Waxa magaalada Jigjiga markii u horaysay kulan muhiim ah ku yeeshay madaxweynaha dawladda deegaanka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo odayaal dhaqameed ka soo jeeda degmada Gaashaamo, gaar ahaan degaanka  Jaamac Dubad oo ay dhawaan ciidamada Liyuu Boolisku dad badan ku laayeen

Kulanka oo Axadii doraad ku qabsoomay xafiiska madaxweynaha dawlad deegaanka Somalida Itoobiya, ayaa waxa lagaga wada hadlay xaaladda deegaanka Gaashaamo iyo dhimashadii ka dhacday Jaamac Dubad.

Sida ay baahisay barta lagu baahiyo wararka kilika ee Cakaara, odayaasha iyo xukuumadda ayaa waxay ka wada hadleen sidii nabad loogu soo dabaali lahaa arrinta Gaashaamo islamarkaana xal waara looga gaadhi lahaa arrimaha Kootarabaanka iyo ganacsiga sharci darada ah.

Dhinaca Madaxweynaha waxa kulanka ku weheliyay guddoomiyaha Baarlamaanka Kililka Maxamed-rashiid Isaaq iyo masuuliyiin kale.

Odayaasha Gaashaamo waxa hoggaaminayay Ugaaska Habar Yoonis Ugaas Xuseen Xaaji Geele, waxaana wehelinayay  Suldaan Maxamad xaaji cabdilaahi xirsi, Suldaan maxamed yuusuf xaaji faarax, jiif caaqil cali Axmed Maxamuud iyo jiif caaqil baashe muuse dhiif.

Xukuumadda kililka iyo odayaasha ayaa isfaham hordhac ah ka gaadhay dhibaatada ka dhacay deegaanka Jaamac Dubad ee degmada Gaashaamo oo abuurtay dareen xaasaasiyad ah, waa kulankii u horeeyay ee heerkan oo kale ah oo labada dhinac dhex mara tan iyo intii dhibaatadu dhacday.