Guddoomiye Muuse Biixi Oo Farta Ku Fiiqay Cida Dabada Ka Riixaysa Muddo Kordhin Mar Kale Dalka Dhacda.

0
716

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inaanay jirin Muddo Kordhin ay damacsantahay Xukuummada Kulmiye taasi oo wakhti loogu darayo Muddo Xilleedka madaxwayne Siilaanyo.

Muuse Biixi waxaa uu cadeeyay in ay xukuumadu diyaar u tahay qabsoomida doorashada madaxtooyada iyo wakiilada balse loo baahanyahay in Khaladaadka ku jira doorashada Baarlamaanka uu dhameeyo Guddoomiyaha Golaha wakiilada Cabdiraxmaan Cirro.

“Kulmiye, madaxwaynaha, xukuummada arrin kordhin la yidhaahdaa nooma taalo, laba doorasho ayaa isa-saaran, mid waa ta madaxweynaha oo inay wakhtigeeda ku qabsoonto waxaa ka masuul ahaa madaxwaynaha oo ay khusayso iyo xisbiga Kulmiye, doorashada diyaar baanu u nahay ee meel ay arrintaasi (Muddo kordhintu” nagaga soo noqotay ma garanayno” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi waxaanu intaasi ku daray oo uu yidhi“ Doorashada baarlamaanka waxaa ka masuulka Guddoomiyaha Waddani, Ummada waxaanu u sheegaynaa Doorashadii madaxwaynuhu waa naga diyaar, qollada baarlamaanka iyo Guddoomiye Cirro waxaa laga rabaa inay doorashada baarlamaanka ka saaraan Cilladaha ku jira si labada doorasho mar u wada qabsoomaan”