Ciidamada Booliska Oo Xabsiga U Taxaabay Guddoomiyaha Wargeyska Iyo Shabakadda Somalilandtoday.

0
814

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa Xabsiga u taxaabay Guddoomiyihii Wargeyska iyo Shabakadda Caalamiga ah Somalilandtoday Muniir Axmed Cigaal, sidoo kalena ah Wariye ka hawl gala Telefishanka Qaranka Somaliland.

Ciidamada Xabsiga u taxaabay Wariye Muniir Axmed Cigaal ayaan haba-yaraatee sidan Waraan Maxkamadeed oo Xalaalaynaaya xadhigiisa.

Ma jiro war faahfaahsan oo Xukuumaddu kasoo saartay Xadhiga Wariye Muniir Axmed Cigaal

Wariyaha ayaa xilligii ay qabanaayeen Ciidamada Boolisku la socday gaadhiga Musharraxa jagada Madaxweynehaha Xisbiga Ucid aqoonyahan Jamal Cali Xuseen. Waxanay Ciidamadu wariyaha u kaxaysteen si jujuub iyo xoog ah, waxanay u geysteen hadidaad iyo tacadi.

Lama ogga meesha ilayo hadda uu ku xidhan yahay wariye Muniir Axmed Cigaal.

Wixii Warar Ka soo kordha Xidhiga Muniir Axmed Cigaal iyo cida amarka bixisay kala soco goor dhaw Somalilandtoday