War Degdeg ah: Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Baacsaday Maleeshiyaadka Maamul Goboleedka Puntland ee Somalia

0
947

Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan jiidaha hore ayaa gebi ahanba la wareegay gacanta degmada Dhahar iyo deegaannada hoos yimaada, kadib markii Deegaanka Bood oo 30km u jirta Degmada Dhahar ay isku faro saareen ciidamo ka socda Maamulka Puntland oo weerar kusoo qaday ciidamada qaranka Somaliland ee aagaasi ku sugan.

Weerarkan ayaa sida ay wariyeyaal ku sugan magaaladda Ceergaabo u sheegeen warbaahinta qaar, wuxuu ka dambeeyay ka dib markii ay ciidamo ka socda maamulka Puntland weerar ku soo qaadeen fadhiisimo ay ku sugan yihiin ciidanka qaranka somaliland.

dagaalka oo socda ayaa sida ay ilo wareedyadaasi nagu soo gaadhayaan ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa qaranka somaliland oo ka yimid Laascaanood ay dhabar jabiyeen kuwa Puntland.

Sida wararkani sheegayaan ciidamada qaranka Somaliland ayaa gacanta ku dhigay 15 ka tirsan dableydii weerarka soo qaaday oo ka tirsanayd maamulka Puntland iyo laba Gawaadhida dagaalka ah oo wateen dableydaasi, waxaana hadda askartaasi iyo baabuurtii ay wateenba gacanta ku haya ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan jiidaasi.

Deegaanka Bood oo dhinaca koonfureed kaga beegan magaaladda ceergaabo ayaa waxa ay ka mid tahay deegaamo ay ka bilaabantay diiwaan gelinta codbixiyeyaashu.

Dhinaca Kale ciidamada Qaranka Somaliland ayaa kusii jeeda degmada Badhan, halkaasi oo sida la sheegay ay iyana ka fulin doonaan hawlgalo ay ku baacsanayaan dabley taabacsan maamulka Puntland oo carqaladayn ka wada habs u socodka hawlaha diiwaangelinta oo maalintii Saddexaad gashay