War Deg Deg:- Xiisad Dagaal Oo Saaka Ka Bilaabmatay Deegaano Kamid Ah Bariga Sanaag+Cidda Dagaalamaysa Iyo Khasaara Inta La ogyahay Ka Dhashay Dagaalka

0
787

War deg deg ah oo hada soo gaadhay xafiiska warqabadka shabakada wararka Ramaasnews kana soo gaadhay gobolka sanaag ayaa sheegaya in saaka ay xiisad dagaal ka bilaabmatay deegaano kamida bariga gobolka sanaag.

Waxaana uu dagaalkani dhex maray sida naloo sheegay Ciidanka qaranka jamhuuriyada Somaliland iyo ciidanka maamulka Puntland, waxaana uu dagaalkani ka dhacay deegaan lagu magacaabo Boodda oo 30KM u jirta degmada Dhahar, Waxaanay ay dhanka koonfureed kaga beegan tahay magaalada ceerigaabo ee xarunta gobolka sanaag, iyada oona  kamid ah deegaanada ay ka bilaabmeen diiwaangalinta codbixiyayaasha gobolka sanaag.

Wariye Mahad Hassan Hussein (Geele) oo ay shabakada Ramaasnews khadka telefoonka kula xidhiidhay isla markaan ku sugan deegaano u dhaw deegaanka dagaalku ka bilaabmay ee bariga sanaag ayaa waxa uu noo sheegay in ilaa iminka inta la ogyahay khasaaraha ka dhashay uu yahay in ciidanka qaranka jamhuuriyada Somaliland ay qabteen tiro askar ah oo gaadhaysa 15 askari kuwaaso oo maxaabiis ah iyo laba gaadhi oo kuwa dagaalka ah.

Ila hada ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxay khasaaraha ka dhashay dagaalkaa marka laga reebo tirada askarta maxaabiista ah ee laga qabtay ciidanka maamulka puntland iyo waliba khasaraaha ka dhashay dhanka ciidanka qaranka Somaliland.

Wararka ayaa waxay sheegayaan inuu wali socdo dagaalku.