Rugta Ganacsiga Somaliland Oo Ahmiyadda Heshiiska Marsadda Berbera Ku Soo Bandhigay Warbixin Lagu Daabacay Majallad Caalami Ah.

0
794

“Waxaan qorshaynaynaa inay Berbera noqoto albaabkii Geeska Afrika, sannad gudahiina aanu dejino badeecadaha kontiinarada gaadhaya 200,000 Berbera waa xarun istaraatiji ah sida Jabuuti,” ayuu sheegay Maareeyaha Dekedaha Somaliland Cali Maxamed (Xoor-xoor).

Warbixin Rugta Ganacsiga, Warshadaha & Beeraha Somaliland soo saartay dhowaan kagana hadlaysay muhiimada heshiiska maalgelinta shirkada DP World ee casriyeynta dekeda Berbera oo lagu daabacay wargeyska Publicnow.com oo ka faalooda arrimaha ganacsiga ayaa lagu bilaabay:“Shirkada DP World iyo Somaliland waxay ku heshiiyeen qorshe lagu maalgelinayo dhaqaale gaadhaya $442 million dekedda Berbera, si wadaag ah. Heshiiskan oo qeyb ka ah hindise shirkada DP World ku xoojinayso hawlahooda Barriga Dhexe & Qaarada Afrika, sida dekedda Dooraale ee Jabuuti, marsadda  Jabal Cali ee Dubai, iyo dekedaha wadamadda Senegal, Masar, Mozambique iyo Algeria.

“Waxaan qorshaynaynaa inay Berbera noqoto albaakii Geeska Afrika, sannad gudahiina aanu dejino badeecadaha kontiinarada gaadhaya 200,000- Berbera waa xarun istaraatiji ah sida Jabuuti,” ayuu sheegay Maareeyaha Dekedaha Somaliland, Cali Maxamed Xoor-xoor.

Dekedda Berbera ayaa ku taal albaabka Badda Cas iyo marinka Suez, isla markaana ah waddo-mareenka maraakiibta ganacsiga Aasiya, Khaliijka iyo Yurub.

Berbera oo baddi loo adeegsan jiray dhoofinta xoolaha ee wadammada Khaliijka, kana soo degi jireen badeecado kontiinarro gaadhaya 40 kun sannadkii, ayaa shirkada DP World ku qalabayn doontaa kaabayaasha loo adeegsado rogista badeecadaha kontiinarada (gantry cranes) iyo nidaam casri ah oo lagu xafido badeecadaha iyo baddi aqabka loo adeegsado dekedaha.

“Qorshahani waa baahidii deked kastoo casri ah, laakiin markaan leenahay waan casriyeynaynaa, kuna qalabaynaynaa dekedda Berbera sidii ay u noqon lahayd xudun ganacsi, macnaheedu maaha, inaanaan qorsheyaal u hayn horumarinta kaabayaasha kale,” ayuu sheegay Afhayeen u hadlay shirkada DP World.

Heshiiska qoraalka hordhaca ee ay kala  saxeexdeen shirkada DP World iyo xukuumadda Somaliland, ayaa $442 million lagu maalgelin doonaa horumarinta dekeda Berbera iyo ganacsiga Geeska Afrika. Heshiiskan hordhaca ayaa bilow u ah qorshayaal maalgelineed iyo heshiisyo horumarineed sharci ah oo laba dhinac si dhammaystiran u wada saxeexan doonaan.

Heshiiskan ayaa taageeri doona aqoonsiga Somaliland ee beesha Caalamka, ka dib muddo 25 sannadood oo dal madaxbanaan aan aqoonsi haysan u socdeen. Waa heshiiskii ugu qiimo badnaa abid  iyo cod kalsooni siinaya awooda Somaliland ee ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida xuduudahooda.

Dekeda Berbera ayaa muhiim u ah wadammada aan baddaha lahayn e egobolka, isla markaana heshiiskani waxa qeyb ka ah abuuritaan goob ganacsiga cashuurta ka caagan (free trade zone), ayey DP World sheegtay.

“kalsooni weyn ayaan ku qabaa Afrika, waa qaarad fursado badan yaalaan,” ayuu yidhi Gudoomiyaha DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem. Isagoo raaciyey, “Geeska Afrika waxay xidhiidh ganacsi wadaagi jireen Dubai, heshiiska casriyeynta dekedda Berbera wuxuu dhisi doonaa xidhiidhkii dhaqan ee u dhexeeyey bulshada Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.”