Nuxurka Khudbadii Wasiir Maxamuud Xaashi ka jeediyay Geedka Gar-adag

0
1191

Geedkani wuxuu caan ku noqday tuf iyo tallo, markaa haddii raga murashaxiinta ahi uu saarku u qabto waynu ogol nahay, hasayeeshee reer Gar-adag laguma yaqaano gawaan raaca, laba gar daaqa iyo gododle-nimo siyaasadeed”

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo socdaal shaqo ku maraya Gobolka Sanaag ayaa sheegay in bulshada deegaanka Gar-adag  aanay lahayn Abaal ka dhac siyaasadeed isla markaana ay si buuxda u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE.

Wasiir Xaashi oo hogaaminaya xubno wasiiro ah oo dardar galinta hawlaha diiwaangalinta u jooga gobolka Sanaag, ayaa waxa uu xusay inay ay ka go’an tahay dhamays tirka wadada Ceerigaabo, isaga oo shacabka gobolka Sanaag na ugu baaqay inay si buuxda ugu qayb qaataan diiwaangalinta Cod bixiyeyaasha ee gobolkaasi ka socota.

Mudane Maxamuud Xaashi oo shalay khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey dadweynaha degmada Gar-adag ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “ Farxad wayn ayey noo tahay inaanu galabta halkan soo gaadhnay oo aanu idinkala soo qayb galnay dareenka iyo dardar galinta  diiwaangalinta codbixiyeyaasha gobolka Sanaag, gaar ahaan degmada Gar-adag oo aanu ku sugan nahay. ILAHAY ayaa ku mahadsan. Waxaan jecelahay inaanu idiinka mahad celino sidii wanaagsanayd ee aad noo soo dhawayseen, iyo sidii qiimaha lahayd ee aad noo soorteen, waa idiinka mahad naqaynaa. Mar labaadka waxaan jcelahay inaan idinku hambalyeyno, idinku bogaadino dadaalka isku duubnida, horumarka iyo nabada deegaankan Gara-adag ka muuqda, ee ay caanka ku tahay, waa tallo iyo tabaabulshe caqli badani ka shaqeeyey.

“ Waxaanu idinku guubaabinaynaa inaad diiwaangalinta codbixiyeyaasha ka qayb gashaan, guud ahaan bulshada gobolka Sanaag, waxaanu xukuumad ahaan ugu baaqaynaa inay diiwaangalinta gobolkan ka socota ka qayb qaataan oo qof waliba uu is diiwaangaliyo, gaar ahaan degmada Gar-adag oo aanu galabta joogno waxaan leeyahay Walalayaal dhamaanteen aynu diiwaangalinta ka qayb galno oo aynu xaqeena muujino, oo arrintaa iyada ah aynu muruq, maal iyo maskaxba isugu gayno.

Maxamuud Xaashi ayaa ka hadlay Taariikhada geedka Gar-adag waxaanu yidhi “ Halkani waa Gar-adag, halkani waa geedkii Gar-adag ee gobka ahaa, geedkan iyo Gar-adag taariikh ayey leeyihiin waxay taariikh ku leeyihiin dhismaha qaranka Somaliland, waa gurigii nabada waa halkii lagu nabadeeyey Nugaal, halkan ayaa la dhigay go’goshii ugu horaysay iyadoo lays dhiig talaalay, iyadoo aan lays bixin oo la kala baqayo, ayaa halkan laysu yimid, waa maanta waxa ay reer Somaliland dheer yihiin bulshada Soomaaliyeed ee aynu ka go’nay, waxa kale oo aynu dheernahay is cafis, kala gar qaadasho, iyo geed aynu ku kulano, geedkani waa kii lagu nabadeeyey.”

Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalena ka sheekeyey muhiimada Xisbiga KULMIYE uu geedka Gar-adag u leeyahay waanu yidhi “ Geedkani waa geed taariikh gaar ah ku leh dhismaha qaranka Somaliland laga tago, xisbiga KULMIYE, waa mid taariikhdiisa ku xardhan, geedkani waa geedkii Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo cadaysimo ah loogu tumamaday weeye. Geedkani waa geedkii hayinka caynka iyo bayda loogu giijiyey xisbiga KULMIYE, markaa wasiiradayadani rag Gar-adag garan waaya ma nihin, rag ka werwersana ma nihin.”

Wasiirka Madaxtooyada JSL ayaa sidoo kalena fariin u diray dadka degaankaasi waxaanu yidhi “ Iyada oo aad tihiin dadkii doortay xukuumadan iyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaanu runtii jecelnahay inaanu idiinka mahad celino taageerada laxodan ee aad nala barbar taagnaydeen mudadaa Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay tallada dalka haysay, haday tahay cod iyo haday tahay taageero kaleba. Gar-adag wax dheeraad ah kama dheefin doorashadii Axmed Siilaanyo, wax u dheer umadda reer Somaliland kamay helin balse waxaan odhan karaa, waa laga badsaday, waayo Soomaalidu waxay tidhaa “qaybshe  wada qaaday ama qad.” Markaa haddii ay Gar-adag qado waa gar ileen iyadaa wax qaybinaysaye, waxa kale oo lagu maahmaahaa “ Caano Nin ka sabra ayaa laga qadiyaa”markaa labada nin aan ka sabrin ayaa loo badiyaa, Gar-adag waxa guul u ah, inaan codkeedii khasaarin, dhammaan taageerayaashii xisbiga KULMIYE ee Siilaanyo u codeeyeyna ma khasaarin, way guulaysteen xitaa haddii aanay hanti gaar ah ama horumar wayn helin way guulaysteen, waayo xisbigii ay doorteen ayaa guul keenay. Mar hadaan maanta aydaan naanays xun qaadanaynin oo laydin yasaynin laydin quudhsanaynin, laydin lahayn geedkii xumaa ee talladani xumi ka soo baxday, oo aan laydin lahayn dadkii dadka xun doortay, Madaxweynaha xun doortay lib iyo faan ayey inoogu filan tahay waxa kalena umadda ayenu la qabnaa.”

Wasiirka Madaxtooyada  Md, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sidoo kalena fariin u diray Murashaxiinta Xisbiyada mucaaridka ah waxaanu yidhi “ Geedkani Gar-adag wuxuu caan ku noqday tuf iyo tallo, markaa haddii raga madaxnimada doonaya ee murashaxiinta ahi haduu saarku u qabto ama ay saaaciido soo bidaan waynu ogol nahay, hasayeeshee waxaan leeyahay Gar-adag waa la yaqaanaa, oo laguma yaqaano deegaankan iyo dadka dega gawaan raac, reer gar-adag laguma yaqaano laba gar daaqa, reer Gar-adgna laguma yaqaano gododle-nimo siyaasadeed, waa dad maluuga iyo moorada Siyaasada ka faalooda oo yaqaana, markaa waxaan leeyahay waa sad lays dheer yahay iyaduna.”

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa shaaciyey inay Xukuumad ahaan ka go’an tahay Doorasho wakhtigeedii la qabto isagoo meesha ka saaray wax muddo kordhin loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo waxaanu yidhi “ Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilanayo waxa ka go’an inay dalkan ka qabato doorasho xor iyo xalaal ah, Madaxweyne Axmed Siilaanyo nin dhariga karaya wax ugu jiraan maaha, haa xisbigiisu uu sharaxan yahay, xisbigiisa wa u oday waana u nus dambeed waanu taageersan yahay. Hasayeeshee korodhsiimo ma rabo waa cadaynaynaa hoostana waa ka xariiqaynaa kuwa aanay dubaaqooda galin ama dacaayadaha ka dhigaynaya waxaanu leenahay Siilanayo haduu mudo kordhin doonayo, wuu tartami lahaa. Shan dambe ayaanu heli lahaa, waxaan anigu u malaynaa raga sidaa leh, in ay uun tahay saacadii uu ninkii Fula ahi marka warmahu ku badaan uu odhan jiray “ Walle waa sacadii uu gaashaankaygu igu soo kogi jiray.” Waar yaanay idinku soo kogin, bishu hortiina ayey imanaysaa dalka doorsahaa ka dhacaysa tartama oo fardahiina iyo gamaankiina badka soo galiya.

Doorashada si xikmad iyo xarago leh aynu u loolano Qaranimada aan Ilaalino, Qabyaalada aan iska dayno, mashaariicda horumarka leh carqalada aan ka dayno aan taageerno, waxaanu leenahay ragas mucaaridka ah barrito dalkan hadaa madax ka noqotaan waxaas uun-baa idiin yaala, “ Karis xun iyana wax ku la’”. Hadaa daloolisaan doontan oo dadka kala qolaysaan oo carqalaysaan horumarka waxaad maamuli doontaan ma jirto. Umadd waxa lagu hanta codna lagu helaa umad la uruuriyo. Dadka oo qolo qolo iyo qabyaalad loo kala soocaa maaha siyaasad iyo nin han lihi wuxuu Umad ku dhaqo.”

Ugu dambayntii Md, Maxamuud Xaashi ayaa ka hadlay sida ay ugu go’an tahay Xukuumad ahaan dhamays  tirka wadada Ceerigaabo waxanu yidhi “ Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo intay tallada hayso waxa ka go’an in wadada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag dhex marta ee degmadan iyo deegaankan sumada gaarka ah ku leh in aanu wadno oo aanaan ka jeedsan, waa go’aanka Madaxweynaha Jamhuudiyadda Somaliland, dhaxalkiisa ayaanay ka mid tahay.”

Wa Bilaahi Tawfiiq