Khasaaraha Dagaal maanta Dhexmaray Ciiddamada Somaliland iyo Kuwo maamulka Puntland

0
951

Hal askari ayaa ku dhintay Laba kalena way kaga dhaawacmeen ciidamada qaranka Somaliland dagaal saaka toddobadii ay kusoo qaadeen ciidanka maamulka Puntland.

Wasiirku  ku xigeenka warfaafinta Somaliland galinkii dambe ee maanta warbaahinta la hadashay ayaa xaqiijisay dhimashada halka askari iyo dhaawaca labada kale, wasiirku waxaa ay sheegtay in dhinaca maamulka Puntland laga soo qabtay 20maxbuus oo ay ku jiraan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulkaas.

Wasiir Shukri Xariir, waxaa ay ku dooday in ciidamada Maamulka Puntland ay saaka toddobadii aroornimo weerar kusoo qaadeen ciidamada qaranka Somaliland oo ku sugan saldhigyo ay ku leeyihiin Tuulada Booda-cade oo 30km dhinaca galbeed kasoo xigta degmada Dhahar ee ka tirsan Gobolka Sanaag.

Wasiir Shukri Xariir,  waxay sheegtay in ciidamada qaranku ay dagaalkaasi kaga adkaadeen ciidamada maamul goboleedka Puntland ka bilaabmay Tuulada Booda-cade ee Gobolka Sanaag.

Laakiinse Wasiirka warfaafinta Puntland oo BBCda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay weerar kusoo qaadeen ciidamada maamulka Puntland.

Wasiirka warfaafinta Puntland ma uu sheegin wax khasaare ah oo soo gaadhey ciidamada Puntland balse waxaa uu cadeeyay in ciidamada Somaliland ay qabteen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Puntland.