Fadeexadii Uu Xisbiga WADDANI Kala Kulmay Taageerayaal Loo Balansanaa Inay Kusoo Biiran Maanta Iyo Goobtii Lagu Talo Galay oo Haawanaysa +Sawiro

0
744

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa waxa uu maanta soo qaban qaabiyey Xaflad balaadhan oo lagu talo galay in  lagusoo dhaweeyo taagerayaal cusub oo loo balansanaa inay maanta kusoo biiraan xisbiga isla markaana ahaa beelaha dega  Waqooyiga gobolka Maroodi jeex .

Waxaana munaasibadan soo dhawaynta ah qaban qaabadeeda lahaa gudoomiyihii hore ee gobolka togdheer hadana kamid ah saaraakiisha sar sare ee xisbiga mudane Axmed Cumar Xaaji Xamarji,waxaana munaasibadan loo balansanaa in lagu soo dhaweeeyo taageerayaasha goob joog ka ahaa gudoomiye ku xigeenka xisbiga WADDANI  Axmed Muumin Seed iyo xubno kale oo kamida xisbiga.

Xafladan ayaa markii ay gaadhay wakhtigii loo balansanaa soo dhawaynta aanay gabi ahaanba kasoo xaadirin taagerayaashii xaflada loo qabtay ee loo balansanaa inay kusoo biiraan iyaga oo goobtii xaflada oo ahayd Hotel Guuleed-na ay ku kaliyaysteen masuuliyiinta xisbigu oo uu gudoominayo gudoomiye ku xigeenka xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed.

Waxaana gudoomiye Axmed Muumine Seed iyo xubnihii kale ee xisbigu ay dib uga noqdeen goobtii iyaga oo ka cadhooday dhacdadan, waxaanay dib ugu noqdeen gawaadhidii ay wateen.

Dhacdadan fadeexada ah ee maanta dhacday ayaa waxa ay weji gabax ku noqonaysaa hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani,waxaana aan ilaa hadda  la garanayn sababta ka danbaysay in taageerayaashu kassoo xaadiri waayaan goobta xaflada ee loo balansanaa in lagu soo dhaweeyo.

1-138-416x740 2-33-416x740 3-20-416x740 4-15-740x416 5-15-740x416