Xukuumadda Iyo Xisbiga WADDANI Oo Ka Jawaabay Dhawaaq Colaadeed Oo Maamul-gobolleedka Puntland Doonayo Inuu Ku Carqaladeeyo Diwaangelinta Gobolka Sanaag

0
761

“Ciidammada Puntland iyo Shacabka Puntland xaq-bay u leeyihiin inay Dhulkooda ka difaacaan Daan-daansiga Qaawan ee Somaliland ku samaynayso Gobolka Sanaag..” Wasiirka Amniga Puntland

 “Somaliland, Dhulkeeda iyo Xuduudaheeda Soo jireenka ah ayey Ciidamadeedu ku sugan yihiin oo ay sugayaan amnigooda, Hadalka Ka Soo yeedhay Wasiirka Amniga Puntland-na waa hadal..” Wasiir Ku-xigeenka Amniga Somaliland

Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed Puntland, ayaa ka hadlay Dhaqdhaqaaqyada Ciidanka Somaliland ku sugayaan Amniga Goobaha ay ku socoto Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ee bariga Gobolka Sanaag.

Puntland oo aaminsan inay bariga Gobolka Sanaag ee Somaliland ka mid yahay Dhulkeeda, ayaa Daan-daansi ku Macnaysay Dhaq-dhaqaaqyada Ciidanka Somaliland ee deegaannadaa, waxayna ku hanjabtay in aanay u dul-qaadanayn ee ay tallaabo qaadeyso.

“Daan-daansiga Qaawan ee Somaliland ku samaynayso Gobolka Sanaag, waxaan u sheegayaa Dadweynaha aanu Deriska nahay ee Somaliland in Dhiig la daadiyo ama la soo abaabulo dhiig (dagaal) Somaliland iyo Puntland u dhexeeya raali kama noqonayno.” Ayuu yidhi, Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Gaalkacayo, waxaanu intaa ku daray, “Ciidammada Puntland iyo Shacabka Puntland waxaan leeyahay waxay xaq u leeyihiin inay Dhulkooda difaacdaan.”

Cabdi Xirsi Cali Qarjab, waxa kale oo uu sheegay “Aad baanu u cambaareynaynaa Arrinta ka socota (Diwaangelinta) Gobolka Sanaag.” Ayuu yidhi, isagoo ku doodaya isla-markaana sheeganaya bariga Gobolka Sanaag ee Somaliland.

Laakiin, Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo Wargeyska Himilo waydiiyey sida uu arkoo hadalka ka soo yeedhay Puntland, ayaa sheegay in Nabadgalyada goobaha Diwaangelinta ee Bariga Sanaag sugan yihiin, sidaa daraadeed hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Amniga Puntland uu yahay mid la iska yidhi.

Maxamed Muuse Diiriye oo Arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Xaaladda nabadgelyo ee Gobolka Sanaag way sugan tahay, hawshii diwaangalinta codbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland-na si habsami ah ayey uga bilaabantay oo ay uga socotaa, sidaa awgeed amaanka hawshaasina waa mid ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada qaranka Somaliland oo ma jirto wax nabadgelyo darro ahi”.

Wasiirka oo ka jawaabaya eedda Puntland ayaa waxa uu yidhi “Somaliland, dhulkeeda iyo xuduudaheeda caanka ah ee soo jireenka ah ayey ciidamadeedu ku sugan yihiin oo ay sugayaan amnigeeda, balse waxaan u arkaa hadalka ka soo yeedhaya Wasiirka amniga Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland nin iska hadlay oo ku hadlay waxaanay waxba ka jirin, waxaanan leeyahay Somaliland guud ahaanba deegaanadeeda way tagaysaa oo waa la geynayaa sanaaduuqda diwaangalinta codbixiyeyaasha sida Badhan iyo Dhahar oo ka mid ah kuwa ugu shisheeya”.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ku sugan Magaalada Ceerigaabo, ayaa ka jawaabay hadalka ka soo yeedhay Puntland, waxaanu kula taliyey inay ixtiraamaan xuduudaha Somaliland, maaddaama oo aanay ku salaysneyn isir, hasa-ahaatee yihiin kuwo Caalamiya, “Puntland waa Maamul-gobolleed Soomaaliya ka tirsan oo aynu soohdinta aynu Soomaaliya wadaagno aynu jaar ka nahay, waa derisnimo iyo ehelnimo labadaba aynu wadaagno, markaa waxaan leeyahay deris wanaagga iyo jaarnimada xaqdhawra oo soohdimaha Somaliland aad wadaagtaan xurmeeya oo nabad-gelyada iyo jaarnimadu ha idin deeqdo. Somaliland maaha dal ama deegaan isir ama Qabiil xad u yahay  ee waa Qaran xuduudihiisa caalamiga ah la wadaaga guud ahaan dalalka deriska oo ay Soomaaliya ka mid tahay, xadka ay Soomaaliya iyo Kiiniya leeyihiin iyo xadka aad Itoobiya leedihiin iyo soohdinta Somaliland iyo Soomaaliya ay leeyihiin  dhamaantood waa xuduudo isku mid ah oo dal kasta madaxbannaanidiisa sugay.” Ayuu yidhi, Guddoomiyaha WADDANI oo u warramay Weriye Faysal Xiis Weerar oo ah Tifaftiraha Shabakadda Wararka ee Xogsoormedia.com.

Guddoomiye Cirro, waxa uu Puntland uga digay inay xaalad ammaan daro ka abuuraan Gobolka Sanaag ee Diwaangelintu ka bilaabantay, “Puntland waxaan uga digayaa inay si sharci darro iyo xaalad abuur ugu xadgudbaan xuduudaha Dalka Somaliland uu leeyahay. “ ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Dal kastaa waajib ayay ku tahay in uu difaacdo oo uu sugto soohdimihiisa Qaran, Somalilandna dalkeeda Cidna marti uga noqon mayso.