Wargeyska FOORE Oo Helay Halka Ay Salka Ku Hayso Kooxo Dhallinyaro Ah Oo La Sheegay In Ay Aaminsan Yihiin Afkaar Liddi Ku Ah Diinta Islaamka

0
1067

Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Qorshaha Gaalaysiinta Soomaalidu Iyo Aragtiyaha Ku Dhisan Afkaarta Caqlaaniga Ah Ee Dad Badan Oo Aqoonyahan Ah Lagu Arkay Muddooyinkan?

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxa dadyowga Soomaalida si weyn ugu dhex fidaya aragtiyo iyo afkaaro ku dhisan ururro xag-jir ah oo gaalo iyo mislimba leh, qaarkoodna ku cusub yihiin geyiga ay degaan ummadaha Soomaalidu sida ururrada diin laawayaasha ah ee dunida ka hawl gala ee ay ka mid yihiin Maasuuniyadda iyo Illuminati oo in badan oo Soomaali ah saameeyey.
Toddobaadkan waxa caasimadda Somaliland ee Hargeysa si weyn looga hadal hayaa saxaafadda qaarkeedna baahisay warar sheegaya dhallinyaro ka baxday diinta islaamka, balse xaqiiqadu sidan ka duwan tahay. Wargeyska FOORE oo isku dayay in uu u kuur galo xaaladahaasi waxa u suurta gashay in uu wax ka ogaado oo ay jiraan dareenno culus oo la xidhiidha dad badan oo lagu arkay fikiro ka soo hor jeeda diinteena Xaniifka ah, kuwaasi oo ay udub dhexaad u yihiin dad wax ku soo bartay dalalka dibadda iyo hay’ado qarsoodi ah oo fikirradaasi dhiiri galiya, balse aanay wali jirin dad diinta si cad u sheegtay in ay uga baxeen.
Mid ka mid ah culimada Somaliland oo magaciisa ka gaabsaday in aan halkan ku xusno kana mida dadka baadhitaanada ku sameeya arrintaasi xasaasiga ah ayaa Wargeyska FOORE u sheegay in ay isa soo tarayaan muddooyinkan dambe dadka aaminsan aragtiyo diinta ka fog oo inta badan u janjeedha aragtiyaha ku dhisan caqliga ah iyo kuwo saqaafadeed ee aan salka ku lahayn aaminsanaanta diinta, taasoo ka soo burqanaysa kooxo ku xidhan jihooyin qarsoodi ah oo u janjeedha dalalka reer Galbeedka.
Fikirka ay ka mid yihiin kooxaha aaminsan aragtida uu qabo ururka qarsoodiga dunida kaga hawl gala ee The Illuminati ayaa ka mid ah aragtiyaha saansaantoodu ka soo muuqanayso qaar ka mid ah dhallinyaro dhawaan lagu arkay caasimadda Hargeysa oo doodaha ay qabaan si cad bulshada ugu dhex fidinayay.
Waa Maxay Aragtida Ururka The Illuminati?

maxresdefault
Ururka Illuminati oo af-carbeedka loogu yeedho Tanwiiriyiin waxa la aasaasay sannadkii 1776-kii waxaanu ururkani ka aasaasmay markii ugu horraysay Gobolka Bavaria ee wadanka Jarmalka waxaanu ku fiday Dunida. Waa dhaqdhaqaaq aragti saqaafadeed ku dhisan oo caqliga adeegsanaysa hadii ay diin dadku ka aamini lahaayeen. Waxa lagu tilmaamaa ururka ugu khatar badan adduunka ee u habaysan qaab layaab badan oo qarsoodi ah. Inkasta oo aanu ururkani waligii sharciyad jiritaan oo rasmi ah ka helin dawladda Jarmalka oo aan si rasmi ah loo aqoonsanayn oo uu qarsoodi yahay haddana waxa uu soo saaray ururkani oo xubno ka ahaa rag badan oo markii dambe dalkaasi Jarmalka ka noqday siyaasiyiin caan ah. Ururkan waxa xubno lagaga noqon karaa oo ugu muhiimsan shuruudihiisa ka mid ahaansho in aanu qofku haba yaraatee aaminsanayn wax diin ah oo uu noqdaa qof diin laawe ah (Mulxid). Ujeeddooyinkiisa ugu waaweyni waa in xubnaha ka mid noqonayaa noqdaan kuwo aan Diin haysan oo u halgama himilada ururka oo ah in lala dagaalamo gabi ahaanba diimaha samaawiga ah ee soo degay intii adduunyadu jirtay. Illaa maanta ururkani waa uu shaqeeyaa oo dunida ka hawl galaa isaga oo fulinaya ujeedooyinkiisa waxaana ku xidhan oo maal-galiya rag badan oo maal-qabeeno ah oo aaminsan mabaadii’da uu u taagan yahay ururkani ee ah in dunida lagala dagaalamo aaminsanaanta diimaha Samada laga soo dejiyey ee ay xambaarsanaayeen ambiyadii kala dambaysay. Ururkani waxa uu maanta saamayn weyn ku leeyahay qaraaraadka iyo ujeedooyinka qaar badan oo ka mid ah xukuumadaha adduunka isaga oo si qarsoodi ah oo toos ah saamayn weyn ugu leh go’aan qaadashadooda iyo hawlgalkooda siyaasadeed. Waxa kale oo la ogaaday in ururka Illuminati ay xubno ka yihiin qaar ka mid ah dadka ugu caansan adduunku sida Fanaaniinta, Ciyaartoyga, Jilayaasha Filimada iyo siyaasiyiintu. Sidoo kale ururka Illuminati ee qarsoodiga ahi waxa uu maamulaa oo saamayn weyn ku leeyahay inta badan warbaahinta adduunka, sinimooyinka aflaamka lagu soo bandhigi, agabka ubadka lagu ciyaarsiiyo iyo hay’ado badan oo dunida hab sama-fal ah uga shaqeeya.
Maxaa Ka Jira Dhallinyarada La Sheegay In Ay Diinta Ka Baxeen?
Ma jiraan wali dad si cad u sheegtay in ay diinta islaamka uga baxeen oo Somaliland ku sugani balse waxa isa soo taraya kooxaha aaminsan fikradahaasi aan soo sheegnay oo bulshada ku dhex jira, inta badana qaar ka mid ah doodahooda lagu arko iyaga oo ka faafinaya baraha xidhiidhka bulsahda ee internetka iyo goobaha lagu kulmo, balse aan caddaysan in ay diinta ka baxayaan ama ka baxeen, iyada oo dadku jahawareer ka qaadeen kooxahan la sheegay in ay sida cad diinta uga baxeen oo aan laga hayn xogo cad oo dhaba. Dhinaca Soomaalida Kenya waxa sannadihii ugu dambeeyey si cad u soo kordhayay dadka Soomaalida ah ee qaadanayay diinta Kiristaanka, halka dalka Dalka Soomaaliya ee aynu jaarka nahay ay aad ugu soo badanayeen dadka qaba afkaarta ay ka mid yidhiin shiicada, takfiiriyiinta, iyo kuwo kale ee xag-jirka ah ee islaamiga ahi aad ugu fidayeen iyada oo dhinaca Somaliland arrinku sidaasi ka sahlan yahay oo kaliya ay Somaliland ka jiraan kala duwanaanshaha dhinaca xarakaadka islaamiga ah iyo firqooyinka diintu, aafooyinkaasi dalalka jaarkeena ah ka jiraana in badan aynu ka bed qabno.

FOORE