War-Saxaafadeedka: Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Gobolka Sanaag

0
950

Waxa maanta (shalay) oo Bishu tahay 16-kii Julaay, 2016-ka loo darreerey goobaha diwaan-

galinta cod-bixiyaasha ee gobolka Sanaag. Gobolkan oo noqonaya kii shanaad ee ay si

quman uga bilaabantay diwaan-galintu, ka dib hal bil oo loo hakiyey bishii barakeysneyd

ee Ramadaanta awgeed.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey oo ay ka soo qeybgaleen dhammaan

danneeyayaasha arrimaha doorashooyinka Somaliland ayaa ka dhacdey xarunta

Khayriyada ee Magaalada Ceerigaabo 14-kii Julaay 2016-ka, oo ku taal badhtamaha

magaalada. Dhammaan danneeyayaashii ka soo qayb galay xafladdaasi waxa ay isku

waafaqeen in ahmiyad gaara la siiyo gobolkan oo baaxad, iyo dhul ahaan aad u kala

durugsan oo duruuftiisu aanney la mid aheyn kuwii hore ee ay ka hirgashey

diwaangalintu.

Badiba goobbaha diwaan-galintu waxa ay si wacan uga bilaabantey dhammaan

gobolka wakhtigii loogu talo galay, inkasta oo goobaha qaar wakhti dambe la furey

sababo dhinaca farsamo cilladeed jirtey awgeed iyo goobaha qaar oo aad u foggaa.

Goobaha loo qoondeeyey in diwaan-galintu ka bilaabanto ee gobolka Sanaag waxa ay

KDQ sheegeen in ay yihiin 206 goobood. Hase ahaatee, waxa laga jarayaa tiradaasi

guud 15 goobood oo xaalad amni darteed u suura-gali kari waayey in diwaangalintu ka

qabsoonto .

Waxa kale oo ay soo tabiyeen goob-joogayaasha maxaliga ahi ee SONSAF ay u kala

dirtey goobahaasi in degmooyinka Badhan iyo Dhahar aanney ilaa iyo hadda gaadhin

agabkii diwaangalinta maanta sababo dhinaca gaadiid la’aan ka dhacdey gobolka

Sanaag, taasi oo ka dhigeysa in tiradii guud ee KDQ ay sheegeen aanney suurtoobin in

ay ka wada dhacdo gobolka Sanaag, duruufo xagga gaadiidka ah.

Lama soo sheegin ilaa hadda wax dhibaato ah oo ka dhacdey goobihi loogu talo galay

diwaangalinta in ay ka dhacdo ee degmooyinka gobolka. Waxa kale oo la soo sheegey

in dhammaan dadweynihii goobaha diwaangalintu ay si heer sare ah u soo

dhaweeyeen hawl wadeennadii Komishanka Doorashooyinka Qaranka “KDQ” ee ku

hawlanaa arrimaha diwaangalinta.

Koox hawl wadeenno ka socdey Dallada SONSAF ayaa soo gaadhey hal usbuuc ka hor

gobolka Sanaag, si ay tobabarro u siiyaan shaqaalihii goobjoogayaasha maxaliga ahaa

iyaga oo kaashanaysa, madasha ururada bulshada ee arrimaha doorashooyinka

(SCISEF), kuwaas oo Dallada SONSAF ay u kala dirtay gobolka Sanaag degmooyinka

uu ka kooban yahay. goobjoogaysha maxalliga ah oo dhan 42 xubnood oo matalaayey

ururada bulshada, ayaa gaadhey degmooyinkaasi, iyaga oo si toos ah u soo tebin

doona warbixinno hufan oo dhexdhexaad ah oo la xidhiidha arrimaha diwaangalintu inta

ay socoto.

Dhanka kale waxa ay xaqiijiyeen goobjoogayaashu in cilladaha xagga farsamo ee

gobolku ay u badnaayeen dhinaca computerka, iyo engiinnada oo sababey in goobaha

qaar xilli dambe la furo. Sidoo kale waxa ay goobjoogayaashu qireen in gaabis badani

ka jiro xagga isku soo baxa abaabulka dadka, oo sababta ugu weyni ay tahay

wacyigalin la’aan baahsan oo gobolka ka jirtey.

Allah Mahad leh

Mustafe Sacad Dhimbiil

Guddoomiyaha SONSAF