Guddida Diwaangalinta Ururrada Toddobaadkan Soo Gabogabeynaysa Dacwaddii U Dhexeysa Faysal Iyo Jamaal

0
764

Guddida diwaangalinta Ururrada Siyaasadda  Somaliland, ayaa Toddobaadkan Go’aan ka soo saaraya Dacwadda u dhexeysa Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyo Guddoomiyaha Xisbigaas Faysal Cali Waraabe, taasi oo bishii hore la dhageystay.

Musharraxa Madawaynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, oo Shalay Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dacwadda ka dhaxeysa Garabka taageersan iyo Garabka Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Toddobaadkan la soo saarayo isla-markaana ay bilaabi doonaan hawlihii xisbiga UCID.

“Dacwaddii waxay soo baxaysaa Toddobaadkan, markay soo baxdana waxaanu bilaabi doonaa shaqadii Xisbiga, waxaanu ixtiraamaynaa Go’aanka Guddida (Soo Saarto)..” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen, inkastoo aanu faahfaahin waxa uu yahay Go’aanka uu sheegay inay ku qancayaan.

Xisbiga UCID ayaa laba garab u kala jabay,  kadib markii uu Guddoomiyaha Xisbigaasi Faysal Cali Waraabe sheegay in aanu Jamaal Cali Xuseen ahayn Musharraxa rasmiga ah ee uga qaybgalay Doorashada Madaxtooyada ee sanadka dambe. Laakiin Jamaal Cali Xuseen oo arrintaasi ka cadhooday ayaa Dacwad u gudbiyey Guddida Diwaangelinta ururrada Siyaasadda, kuwaasi oo dhageysi ka dib Toddobaadkan soo saari doona Go’aanka ay ka gaadheen Doodda u dhexeysa Faysal iyo Jamaal Cali Xuseen.