Shil Baabuur Oo Sababay Dhimasho Oo Ka Dhacay Galbeedka Hargeysa

0
720

Alle   u naxariistee hal qof ayaa ku geeriyooday, saddex kalena waxa ka soo gaadhay dhaawacyo kala duwan ka dib markii ay isku dhaceen laba  gaadhi oo kala ahaa Noha iyo Tax (Tukhaan) galbeedka caasimadda Hargeysa agagaarka Muqaaxida Inanta meesha loo yaqaan Oromada.

Shilkan  labada gaadhi oo dhacay shalay galab ayaa waxa ku naf-waayay  Marxuum Cabdirisaaq Maxamed Xasan, oo hawl wadeenada Caafimaadka ee Cisbitaalka guud ee Hargeysa ay noo sheegeen in uu ahaa Dirawalkii Tagsiga yar ee Tukhaanka ah waday.

Waxa Iyagana cisbitaalka guud ee Hargeysa ayaa lagu dawaynayaa  saddex qof oo ku dhaawacmay shilkan oo magacyadoodu kala yihiin  Nuur Abiib Xasan, Caddaani Axmed Cabdilaahi iyo Safiya Warsame.

Taliyaha laanta nabad-gelyada Waddooyinka ee ciidanka booliska Gaashaanle sare Faysal Xiis oo wargeyska DAWAN,  shilkaa gaadhi wax ka waydiiyay,ayaa sheegay in shilkaa khasaaraha  ka dhashay dhimasho iyo dhaawacba uu leeyahay isla markaana ay gacanta ku hayaan sababta shilkaasi u dhalisay  oo ay baadhistiisu socoto.