Sheekh Aadan-Siiro Oo Ka Hadlay Dhibaatada Hoggaamineed Ee Haysata Dunida Muslimka

0
770

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Arrimo badan oo ay ka mid yihiin Dhibaatada haysata Dalalka Muslimka ah, Cadaawadda Gaaladu u qabaan Muslimka iyo Xaaladda Amni ee Magaalada Hargeysa.

Sheekh Aadan-Siiro waxa uu sheegay in Dalalka Gaaladu doonayaan inay Ummadaha Muslimka ahi kaga deydaan hab-dhaqankooda aan Xaaraan iyo Xalaasha kala lahayn, dhibaatada jirtaana tahay in Hoggaamiyeyaasha Dalalka Muslimku arrintaa u dhego-nugul yihiin.

“Nidaamka Maanta Dunida lagu Hoggaamiyo ee loo yaqaanno Maxaan Dhandhamiyaa, maxaan Cunaa iyo Maxay indhaheygu qabtaan Xaaraan iyo Xalaal waxay doonaan ha ahaadeene, Maaha Nidaam aynaan ku dhaqi kareyn Waddamada Muslimiinta, laakiin Nimankaa Dunida Hoggaamiyaa doonayaan inay Tusaale ugu noqdaan Waddamada Muslimiinta ah.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, isagoo taa barbar-dhigaya Hab-dhaqanka Muslimiinta laga rabo, “Dadkii Muslimiinta ahaa ee Rasuulku (CSW) Hoggaaminayey waxay ahaayeen Dad Samada ku xidhan, Samada looga taliyo ama Waxyiga dugsada ama og inay jiraan wax ka dambeeya inta aynu arkayno oo qaabineynaya Qofka Muslimka ahi sida uu u shaqeynayo. Taasi oo Macnaheedu yahay in Qofku wuxuu Adduunyada ku qabsado uu Maxsuulkeeda goosanayo Aakhiro.”

Sheekhu waxa kale oo uu ka hadlay sidii ay Saxaabadii Rasuulku (CSW) ugu deg-dagayeen wixii Wanaag ah, “Saxaabigii Cubayd binu Xamaam ayaa Rasuulka (CSW) ku yidhi Ma inta aan Timirtan Cunayo ayaa iga xigta jannada, Markaasuu ku Rasuulku (CSW) ku yidhi haa..markaasuu Timirtii tuurey. Laakiin kuwa Maanta Muslimiinta hor-fadhiyaa Dadka ayay iibinayaan si ay u raali-geliyaan Gaaladaa inkaartu ku dhacday. Taa waxa keenaya inaynu Dadka ku beerno in ILAAHAY Dadka Xukumo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Laakiin, Kuwa Maanta Muslimiinta u taliyaa waxay ku Tasbiixsadaan Ninkaa Madow ee Maraykanka u taliya, ma innaga raali yahay Sannadkan iyo Sannadka Dambe ma innaga Raali noqonayaa ayay (Odhanayaan)?. Waxay la soo galaan heshiisyo aan wax faa’iido ah lahayn, laakiin ku kacaya Lacag Haddii Muslimiinta loo qaybiyo Boqol Sannadood ku filnaan lahayd. Rasuulku (CSW) waxyaabaha uu ka sii warramay waxa ka mid ahaa oo uu yidhi, waxaad raaci doontaan dariiqii kuwii idinka horeeyay, waxaad raaci doontaan Taako-taako iyo Dhudhun-dhudhun, xitaa hadday God Masacagalay galaan waad ka daba-geli doontaan..Saxaabada oo yaabtay baa Rasuulka waydiiyey, kuwaasi ma Yuhuudda iyo Nasaaradaa?, Rasuulku wuxuu ugu jawaabay Haa…Maanta haddii Inan yar oo Maraykan ahi uu dhegaha Dalooshado, Dunida oo dhan baa Dhegaha laga dalooshanayaa, siduu Timaha u xiiro Inanka Maraykanka ahi, ayaa Adduunka oo dhan looga Xiiranayaa, Muslimiintu ha ugu horeeyaane.”

Sheekh Aadan-Siiro, waxa uu Dhaliilay Shaqada Hay’adaha Ajaanibka ah ee Dalka ku sugan, isagoo sheegay in Shaqadoodu tahay inay fulinta Xukunka Alle buriyaan, “Marka Qof uu Qof kale oo Walaalkiiya ukas u dilo ee (loo Qisaaso), Kuwa aynu Hay’adaha u haysanno ee meelahan yaac-yaaca mid walba Boqol Warqadood buu u gudbiyaa Maxkamadaha iyagoo leh Xuquuqdii Bani-aadamka ayaa Meel lagaga dhacayaa, iyaguna Ninkii u talinayey 27 Milyan oo Qof ayay ku del-daleen Baqdaad badhtankeeda, iyagoo leh wuxuu dhaafay halkii aanu ugu talo-galnay inaanu Dhaafin.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey, waxa kale oo uu ka hadlay amniga Magaalada Hargeysa, isagoo sheegay inay dib u bilaabantay Dhallinyarada Habeenkii baadha Hablaha iyo Dadka kale ee ay ka awood bataan, “Waxa Magaalada Hargeysa ku soo noqotay Aafadii ahayd in Dhallinyaradu Moobillada ka qaadaan Hablaha, waa waxaan la aqbali kareynin in Inan yar oo kibray awgeed Habluhu awoodi kari-waayaan inay Tukaannada ka soo adeegtaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waalidiinta waxaanu u sheegaynaa inaan la aqbali karin in Inan yar oo kibray uu Hablaha Baadho, markaa Waalidoow Hadhow ha cabanin Inankaaga waalla laalaadinayaa Innamad Kibray Annaga oo Ciidammada Amniga la kaashanayna Maxkamadda ayaa la hor-geynayaa.”