“Reer Ceerigaaboow Imisa Jeer Ayaad Ii Soo Baxdeen Oo Aad Ii Codayn Waydeen, Doorkan Waan Idiinka Fadhiyaa Mar Saddexaad Ha Ridina Odayga Oo Xishooda” Guddoomiyaha Xisbiga UCID

0
845

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu ujeediyey dadwaynaha reer Ceerigaabo ayuu si dadban ugu sheegay inuu doorakn u taagayay jagada murashaxa madaxwayne ee xisbiga UCID waxaana uu dadka reer Sanaag ka codsaday inaanay markii saddexaad ka codayn.

Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale sheegay inuu Reer Ceerigaabo godob ka tirsanayo maadaama ay barigii hore fardo ku soo dhawayn jireen misana aanay u codayn, waxaana uu sidaas si le’eg ugu duurxulay xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE oo uu ku tilmamay shalay dhalad isagoo sheegay inay ballanta ugu wayni maalinta doorashada tahay. Faysal oo arrimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi:

“Imisa ayaad ii soo baxdeen oo aad fardo igu soo dhawayseen miyaad ii codayseen, iimaydaan codayn dee reer Ceerigaabo, laakiin doorkan waan idiinka fadhiyaa Insha allah odayga (Faysal Cali Waraabe) mar sadexaad ha ridina haddii an Musharax noqdo haddii alla yidhaahdo, markan inaad xishoon doontaan ayaan filayaa Insha allah tacaalaa, dee barasho wanaagsan”.