Madaxweynaha Somaliland Oo Si Nabad Qab Ah Ku Jooga Dalka Turkiga, Kuna Sugan Magaalo Ka Durugsan Caasimadda Ankara Iyo Istanbul

0
703

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo safar shakhsi ah ku jooga dalka Turkiga, oo xalay uu ka dhacay isku day Inqilaab, ayaa si nabad ah u jooga waddankaas.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ku sugan Magaalo ka durugsan labada Magaalo ee sida weyn looga dareemay Afganbiga, kuwaas oo kala ah Caasimadda Ankara iyo Magaalo ganacsiga Istanbul. Wuxuuna ku suganyahay Madaxweynaha Somaliland, magaalo lagu magacaabo Bursa.

Sida ay xogo rasmiya ku helayso shabakada wararka ee Somalilandtoday.com, Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ay weheliso Marwada koobaad ee Qaranka Aamina Sheekh Maxamuud Jirde, waxay si nabad ah oo degan ugu suganyihiin Magaalada Bursa.

Dhinaca kale Afganbigii lala damacsana Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, ayaa fashilmay waxaana hadda awoodi dalka dib gacanta ugu qabtay Dawladda.