Halkee Ayuu Joogaa Madaxweyne Siilaanyo?

0
883

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa gaadhay dalka Turkiga, ka dib markii uu khamiistii ka ambo-baxay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweyne Siilaanyo oo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ugu sii hakaday duulimaadka dartii, wuxuu hadda joogaa magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga. Madaxtooyada Somaliland ayaa socdaalka madaxweynaha ku sheegtay inuu yahay mid u gaar ah.

Mar ay saxaafaddu afhayeenka madaxtooyada wax ka weydiisay in socdaalka madaxweynuhu la xidhiidho arrimo caafimaad wuxuu afhayeenku gaabsaday in warbaahintu qaadato warka uu u sheegay oo ah in socdaalka madaxweyne Siilaanyo yahay mid u gaar ah.

Madaxweynaha, ayaa haba yaraate aanay raacin cid ka tirsan xukuumadiisu, waxaana weheliya qoyskiisa.