Ciidamadii Ku Lug Lahaa Afgambigii Fashilmay Ee Dalka Turkiga Oo Goor Dhawayd Is Dhiibay.

0
672

Qaar ka mid ah Ciidamadii ku lugta lahaa afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ayaa goor dhow oo saaka isa soo dhiibay, waxaana la xiray illaa 120 askari.

Ciidamadan oo xalay xiray Buundada Istanbul Bosphorus Bridge ee isku xirta Aasiya iyo Yurub ayaa markii ay ku guuldareysteen isku daygooda afgambi ayaa is dhiibay.

Telefishinada caalamka ayaa soo tabinaya Ciidamadan oo watay Taangiyo ayaa iyagoo gacmaha kor u taagaya isa soo dhiibay.

Madaxweynaha Turkiga oo ka soo muuqday isagoo ay ku hareereysan yihiin shacabkiisa ayaa sheegay in la nadiifin doono ciidamada qalabka sida, isagoo ugala jeeday askarta ku dhex jirta ee sameeyay kacdoonka.

Waxaa muuqata inuu sii dhicisoobay isku dayga afgambi, inkastoo wali xaalada aanay aheyn mid caadi ah.

Kumanaan ruux ee dadka reer Turkiga ah ayaa wali taagan waddooyinka, iyagoo ka dhiidhinaya isku dayga afgambiga, waxaana shacabka Turkiga ay ahaayeen kuwo si geesinimo leh u fashiliyay isku dayga Milateri ee ay damacsanaayeen koox ka tirsan Milateriga.

Illaa 60-ruux ayaa ku dhintay isku dayga afgambiga fashilmay ee xalay ka dhacay Turkiga, waxaana 17 ka mid ah ay ahaayeen askari Boolis ah.

Diyaaradaha dagaalka ayaa jawi hoos ku duulaya magaalada Ankara iyo Istanbul, waxaana wali war iyo wacal laga heyn Taliyaha Milateriga Turkiga oo la sheegay inay afduubteen Kooxda afgambiga damacsaneyd.

Qaar ka mid ah dalalka Caalamka ayaa garab istaag u muujiyay dowladda Turkiga, waxaana ay cambaareeyeen isku dayga afgambi ee dhicisoobay.

Dowladda Turkiga ayaa ku eedeysay inuu afgambiga ka dambeeyay wadaad lagu magacaabo Fethullah Gülen, kaasoo ku sugan Gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka.