Madaxweyne Siilaanyo Oo Dikreeto Madaxweyne Ku Magacaabay Todoba Degmo Oo Cusub.

0
762

Madaxweynaha Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ka hor intaanu dalka ka dhoofin galabta wuxuu Dikreeto Madaxweyne ku magaacabay todoba Degmo oo cusub. Sidaana waxa lagu sheegay War-saxafadeed ka soo baxay aqalka Madaxtooyada oo u dhignaa sidan.

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahayJSL/M/XERM/249-4090/072016 ku magacaabay todoba Degmo oo Cusub.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:   Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqraddiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                       Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

Markuu Tixgeliyey:               Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;

Markuu Tixgeliyey:               Baahida loo qabo in Degaanka Geba-gebo loo magacaabo Degmo cusub;

Markuu Dhegeystay:                        Soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

 

Wuxuu go’aansaday;

 

Ø  In uu Balli-mataan  u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Maroodi-jeex.

Ø  In uu Geba-gebo  u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.

Ø  In uu Faqayuub  u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.

Ø  In uu Shaxda u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Xaysimo.

Ø  In uu Wadaamagoo  u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Saraar.

Ø  In uu Adhi-cadeeye  u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sool.

Ø  In uu Gumburaha u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Hawd.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

         Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.