Duur Oo Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqay Inuu La Yimaado Dhiiranaantii Marxuum Cigaal Iyo Rayaale Ee Ay Dalka Kaga Saareen Xaalado Adag Oo Siyaasadeed

0
1495

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo hadda ka mid ah xisbiga Waddani, ayaa madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu yeesho ku dhac hoggaamineed oo uu ka talliyo saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada.

Md. Duur, oo hadal ka jeediyay gobalka Sanaag oo ay diiwaangelintu ka bilaabmayso, wuxuu sheegay in Madaxweynayaashii hore ee Marxuum Cigaal iyo Rayaale ay keeneen aragtiyo siyaasadeed oo Somaliland kaga dabalaatay marxalado adago.

Isagoo ugu horayn la hadlaya reer Sanaag, wuxuu yidhi “Gobalada Somaliland qaranka khaanadiisa iyo qasnadiisa sidii loogu qaybin lahaa, qofka qaybinaya Sanaag inay doorataa la rabaa.  Diiwaangelintii ayaa la bilaabmatay ee midnimo iyo wada jir ku gala, oo codkiina iyo cududiina muujiya si aad fartiina ugu aar goosataan.”

Isagoo Duur ka hadlaya madaxwene-xigeen Saylici oo intii uu talada hayay aan marna tagin Sanaag balse hadda gaadhay wuxuu yidhi “Labadii nin ee aynu dooranay Saylici ayaa jidka ku soo jira, hadda 7-daas sanno wuu idin ilaabay wuxuuse idin xasuustay markuu codkiina u baahanyahay. Toddobadaas sannadood xagguu idinkaga maqnaa, madaxweyne Axmed ma sharaxna laakiin Saylici ayaa sharaxan mar labaad haddaad ugu celinaysaan idinkay idin jirtaa reer Sanagoow.”

Md. Duur, isagoo walaac ka muujinaya doorashadu inay qabsoonto, hoggaamin la’aan darteed wuxuu yidhi “Aniga iima muuqato in doorasho la qaban karo, waxa maqan awoodii, ku dhicii iyo hoggaamintii, xukuumadii xilkaas gudan lahayd ee ku dhici lahayd inay doorasho qabataa ma muuqato. Markay doorashadu soo dhawaataba waxa la bilaabaa albaab aan doorashada laga qaban karayn. maanta oo doorashadii la joogo ayaa saami qaybsi laga hadlayaa.”

Isagoo Duur Caraale, madaxweyne Siilaanyo la hadlaya, uguna baaqayo inuu yeesho dhiiranaantii madaxdii talada uga horaysay wuxuu yidhi “Madaxweyne markaad qalinka qaaday eed wax qabinaysay maxaad beelaha ugu garsoori weyday, ma maantaynu wax qaybinaynaa maaha wakhti la qaybiyo waa wakhtigii doorasho la geli lahaa. Qaybinta iyo saluuga saami qaybsigu xukuumaduu ka yimid.”

Wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday farriintan uu Silanyo u dirayo waxaanu yidhi “Xeerka baarlamaanka haddii ay qabyo ka jirto raggii hore wax bay qoondeeyeen ee madaxweyen wax qoondee.  Marxuum Cigaal Abwaan ruug cadaaya ayuu ahaa oo lixdankii ayuu dawladnimada Somaliland dabada u saaray, hadday tahay degmooyinka, beelaha dega iyo saami qaybsiga. Rayaale beeshiisa oo cabanaysa intuu baarlamaankii dareeriyay ayuu cabashadii beeshiisa tuuray oo uu yidhi doorasho hala galo. Madaxweyne tii horena miyaad tuuraysaa adoon tu’ dambena astayn, madaxweynuhu ha asteeyo wax umadu ku kal abaxdo