Ciidamada Liyuu Booliska Oo Mar Kale Gudaha Usoo Galay Degmada Xaaji Saalax Xilli Ay Xubno Wasiiro Xukumadda Somaliland Ka Tirsani Ku Sugan Yihiin Dalka Itoobiya

0
897

Wararka naga soo gaadhaya degmada Xaaji Saalax oo kamida gobolka togdheer ahna xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo itoobiya  soona gaadhaya xafiiska warqabadka shabakada Ramaasnews ayaa sheegaya in ciidamda liyuu booliska ee dawlad deegaanka somalida itoobiya ay gudaha usoo galeen degmada Xaaji Saalax oo kamida gobolka togdheer gaar ahaan xuduudka Somaliland.

Waxaana ciidamadan oo watay sida naloo sheegay laba gaadhi oo ah kuwa dagaalka ee loo yaqaano 1H-ka ay gudaha usoo galeen degmada iyaga oo sida la sheegay ay arinkaasi cabsi ku abuurtay dadka deegaanka.

Waxaana naloo sheegay in ciidamadaasi ay markiiba ka baxeen degmada,kadib markii ay ciidamada qaranka Somaliland ogaadeen inay ku sugan yihiin degmada, waxaana xusid mudan inaanay wax khasaare ah gaysan marka laga reebo shacabkii deegaanka oo iyagu cabsi gashay.

Maaha markii u horeysay ee ciidamada Liyuu boolisku ay gudaha usoo galaan xuduudka Somaliland gaar ahaana dhanka gobolka togdheer.

Waxaana arinkani ku beegmayaa xilli ay xubno wasiiro ah oo ka socda xukuumadda Somaliland ay ku sugan yihiin magaalada jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka Somalida itoobiya,isla markaan ujeedka ay u tageen ay daaran tahay sidii looga wada hadli lahaa arimo la xidhiidha amniga.

Ilaa hadda lama garanayo sababata ay ciidamada liyuu boolisku ay gudaha ugu soo galeen degmada xaaji saalax.