Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Xoor-xoor Oo Beeniyay Warar Laga Baahiyay Oo La Taxalluqa Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Isaga Iyo Madaxtooyada Somaliland

0
848

mareeyaha dekeda berbera Eng Cali Xoor-Xoor ayaa beeniyay warar laga baahiyay oo la taxaluqa in khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo madaxtooyada Somaliland, isla markaana ay isku maandhaafsan yihiin arimaha heshiiska dekeda berbera.

Waxaana uu maareeyuhu sheegay inay wararkaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn isla mrkaana uu yahay masuul ka tirsan xukumadda madaxwayne Siilanyo kuna shaqeeya siyaasada madaxtooyada.

Waxaana uu maareeyuhu arinkan kaag hadlay war saxaafadeed uu soo saaray waxaana uu u dhignaa sida tan

“Waxa Layaab Nagu noqotey Warka Been Abuurka ah ee uu Baahiyey Wargeyska Geeska Afrika (Maanta) shaley. Waxaanu cadeyneynaa in Warkaasi uu yahay Mid Xaqiiqda kafog Oo Aan Jirin.

Habayaraatee Aanay Waxba ka jirin Aniga Oo Ah Maareeyaha Dekeda Berbera iyo Madaxtooyada JSL kama dhex jiro Wax khilaaf ah.Waxaane Dekeda Berbera Hoostimaadaa Wasaarada Madaxtooyada Somaliland.

Maareeye ahaan Waxaan ka mid ahay Xukuumadda Waxaan ku shaqeeyaa Siyaasada Dawladda Somaliland ee uu Hogaamiyo Madaxweyne  Ahmed Siilaanyo.

Waxaan Kula Talinayaa Wargeyska Geeska Afrika In uu Ka Waan toobo Wararka Been Abuurka ah iyo Kutidhi kuteenka ah ee uu Bulshada Ku Khalkhalgalinayo.”