Ina Garaad Abshir Oo Wasiirada Madaxtooyada Iyo Warfaafinta Ku Eedeeyay Inay Kharibeen Oo Somaliland Seejiyeen Maamulista Aaska Aabihii

0
835

Dawladda Muqdisho Iyo Kooxda Khaatumo Oo Somaliland Kaga Awood Roonaatay Maamuuska Aaska Garaad Abshir

La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee nabadeynta Gobollada Bari Cabdinaasir Garaad Abshir oo ah Wiilka iska leh Dhaxalka Booskii Aabihii ka geeriyooday Alle ah unaxariistee Garaad Abshir oo Maalinta Isniinta ah Meydkiisa Dalka La keenayo ayaa duray Hadal ka soo yeedhay Wasiirka Wasaaraadda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid,waxa sidoo kale eedayn u soo jeediyay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo uu sheegay inuu ka gaabiyay ka shaqaynta doorkii ay Madaxtooyadda Somaliland ku yeelan lahayd Aaska Garaad Abshir oo maalinta Isniinta ah lagu aasayo Deegaanka Balaycad oo ka tirsan Gobolka Sool ee Somaliland. Waxa sidoo kale Meydka Garaadka laga leexiyay Halkii ay Somaliland ku ogayd waxaan loo duway meel kale iyo Qorshe kale si uu Aaskaasi Somaliland uga madax bannaanaado.
Cabdinaasir Garaad Abshir oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka qoys ahaan isagoo ka tirsan Dawlada Somaliland oo xil ka haya ay haddana isku taxa lujiyeen inay Xukuumadda kala xaajoodaan sidii aaskaasi loo maamuli lahaa,Maadaama oo lagu aasayo Dhulka ka tirsan Somaliland,waxa uu sheegay inuu waayay cid kala hadashay imikana aanay haboonayn inay Somaliland soo faro galiso oo ay siyaasaday,waxa uu diiday Hadal ka soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta Somaliland,Waxaana uu beeniyay kulan dhex maray,waxa hadaladiisa ka mid ahaa“Horta Dawladaasi Aniga Iyo Wasiirkuba waanu ka wada Tirsanahay,aad iyo aad waxaan lixdaasi maalmood ee u dhexaysay isku taxa lujiyay,Anigoo Dawladii ka tirsan inaan aniga iyo Dawladu kawada hadalno arintaasi Marxuumka wadanka la keenayo,Taasi may suurta galin,oo dadaal badan oo aan sameeyay may suurta galin”
Waxa kale oo uu yidhi “Tan ka wasiir ahaan Cadaani,Iyo Raggii kale ee uu yidhi “Arinta ayaa loo xilsaaray”,Anigu Dawladda ayaan ka shaqeeyaa,Aniga Cid illa kulantay iyo Cid illa soo qaaday ma jirin,markay arintu halkaasi marayso ayaan anigu Buuhoodle u soo baxay,Waxaa jirtay, Alle ha u naxariistee Marxuum Cigaal,Khudbadihiisa ayaan dhagaysan jiray,Waxaan ka hayaa,Wuxuu yidhi Haddii Qof Dawlad u Shaqeeya aad aragtid isaga oo Saxaafadda Dawladdii Wax u soo mariyay,Qofkaasi,Qof Dawlada ku kacsan maaha,Laakiin waa Qof Dawlada Saxaya,Dawlad Wada sax ahi majirto illaa Taas Maraykanka,Markaa bal arintaasi aan ka hadlay Dib Wasiirku Muuqaalkaygii ha u daawado,Waxaan ka hadlay arinta inaan la siyaasadayn,sidoo kale Wasiirkii ku guuldaraystay inuu nala kulmo arintana ka hadlo,Haddii loo baahdo Gadaal ayaan ka soo sheegi,Anigu dadka ma magacaabo,Hebel Hebel ma idhaahdo,Laakiin Haddii ay dhacdo waan soo sheegayaa”.
Waxa uu sidoo kale Wasiirka Madaxtooyadda Ku eedeeyay inuu ka gaabiyay Qorshe ay ula tageen,islamarkaana ay faro madhan kala soo noqdeen,waxaana uu yidhi“Waxa wanaagsanayd inay Anagana nala tashadaan,Wixii aanu ka hadlaynay ayaa taagan,Arintii Siyaasada ahayd ayaa taagan,Isaga ayaan Wasiirku ka hadlay,Group Hebel iyo Group Hebel,Dee dad kale magaaladda Waa joogaan hadduu la kulmay,Iyaguna waxa ay meel kasta soo galiyeen in Inta ay u tageen Wasiirka Madaxtooyadda oo ay Faro madhan kala soo noqdeen,oo iyaga ayaaba taasi sheegay,Laakiin Aniga,ka Qoys ahaan,iyo Dawlada aniga oo ku jiraba Cadaani waxaan u sheegayaa inaanan Cidna la kulmin,markaan tijaabiyayna Wasiirkaasi aan Gadaal ka soo sheegi doonaa inaanu diyaar u ahayn inuu Arintani ka hadlo,oo uu nala Kulmo”.
Wiilka Garaadku Dhalay oo la waydiiyay maadaama oo Halkii hore laga leexiyay Widh Widh Meydka Garaad Abshir oo loo leexiyay Balaycad,si looga fogeeyo Somaliland,waxa ay yeelaan Hadiiba ay Somaliland kadaba timaado oo Masuuliyiinta Somaliland yimaadaan Waxa u qorshaysan ee ay yeelayaan ayaa waxa uu yidhi “Waxaan Somaliland u sheegayaa,Kol haddii Jaaniskii hore dhaafay inay sidaasi hawshii ku dhaaftay,haddaan u soo noqdo Wasiir Caddaani, Sifiican wuu u hadlay laakiin intan uu leeyahay ina Garaad Abshir Waan la kulmay,Anaga iyo Caddaani ismaanu arag,Dawlada Somaliland iyo Anaguna Arintan kamaanu Wadda Hadal,Mid kale waxa uu yidhi “Gudida Amniga”,Dee Adeer Gudida Amnigu,Aabahayo oo aanu Aaskiisii ku jirno,Gudi Amni waxay iskugu tagaan oo ay u shiraan ma Arag,waayo Gudida Amniga waxa la iskugu yeedhaa Marka Duni la qarxiyo,oo Magaalo dhami Olosho yacni Argagixiso”.
Cabdinasir Garaad Abshir Faarax oo la waydiiyay Waxa uga meel yaala saamaynta ay Xilkiisa ku keenayso Muranka ka dhashay Aaska Aabihii ee Dhinaca Xukuumadda uu ka tirsan yahay ee Somlailand ay ku hungowday Qorshihii ay ka doonnaysa ayaa waxa uu ku jawaabay sidan “Aniga Booskii Aabahay oo ka awood badan Wasiir iyo Madaxweyne ayaa horta diyaar ii ah,Anaguna inaan Arinta la siyaasadayn ayaan rabnaa,Illaa Hadeer,Khaatumo kamay hadal,Puntland-na kamay hadal,Way ka aamusan yihiin,Tacsina way u soo direen, Dee Tacsida Somaliland-ba way dirtoo way ku mahadsan yihiin,Laakiin waxa uu dhan,illaa Wasiirkii Dhamaa ee Warfaafinta,oo arintii si siyaasad ah uga hadlaya,Guruubadii kaleba Siyaasad kamay hadal eh,bal idinkuna inoo Caga dhiga”.ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Cabdinaasir Garaad Abshir Faarax oo ka hadlayay arrinka ku saabsan aaska aabihii Marxuum Garaad Abshir Faarax oo geeriyooday.