Ciidamada Booliska Magaalada Hargeysa Oo Xabsiga U Taxaabay Gudoomiyihii Hore Ee Degmada Laasgeel Ee Gobolka Maroodi-jeex Iyo Sababta Lala Xidhiidhinayo Xadhigiisa

0
828

Ciidamada Booliiska Magaalada Hargeysa ayaa xabsiga u taxaabey gudoomiyihii hore Ee Degmada laasgeel Ee GOBOLKA Maroodi-jeex Axmed Muuse Cabdi.

Waxaana goobjoogayaal ku sugnaa goobta laga qabtay masuulka ay sheegeen inay ak qabteen booliska meel ku taala xaafada 150 Ee magalada Hargeysa.

Sidoo kale Waxay intaasi goob-joogayaashaasi ku Dareen in Ciidankan qabtey gudoomiyihu ay saarnayeen labo xaajiyadood,islamarkaasina ay isweer ka qanteen goobta laga fadhiyey Axmed Muuse, , waxaana naloo sheegay in gudoomiyuhu uu weedhihii uu ku tiraabayey ay kamid aahaayeen waaran maxakamadeed miyaad sidataan.

Ilaa hada lamo garanayo sababta dhabta ah ee ka dambeysay Xadhiga gudoomiyihii hore e Degmada laasgeel,balse waxay tibaxayaan xogo Madax banaan Oo nasoo gaadhayaa in gudoomiyuhu uu ku jiray Liis Ciidamada booliisku ay mudooyinkii ugu dambeeyey ay ku daba jireen soo qabashadooda,kuwaasi Oo loo haysto Inay Warbahinta ka tageereen shirka beesha gobolka SAAXIL Ay ku qabsanayaan Degaanka BAXAROSAAFKA, Shirkaasi Oo mudooyinkii u dambeeyey qabanqaabadiisu ay ka socotay Magaalada Hargeysa.