“Somaliland Waxay Maamushay Lix Doorasho Muddo 25 Sannadood Ah, Soomaaliyana Way Qabsan Kartaa Doorasho Inkastoo….” Qaramada Midoobay.

0
819

Qaramada Midoobay, ayaa ka hadashay sida Somaliland u qabatay Lixdii doorasho ee kala dambeeyay Muddada 25-ka sannadood ee ay Madax-bannaanideeda kala soo noqotay Dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, oo kulan Qaramada Midoobay ku yeesheen New York kaga qayb-qaatay Khadka Isgaadhsiinta ee maqalka iyo Muuqaalka ah, ayaa ka hadlay Doorashooyinka la qorsheeyay inay Soomaaliya ka dhacaan Sannadkan, kuwaasi oo u dhacaya Hab aan toos ahayn, laakiin la soo xulayo Madax-dhaqameed beelahahooda ka xulaan Xubnaha uga qayb-galaya Baarlamaanka Cusub, kaas oo marka la dhiso iyaguna dooranaya Madaxweynaha.

Michael Keating oo War-bixinta uu siiyey Qaramada Midoobay ku daray Talooyin uu Soomaalida Soomaaliya siiyey, ayaa tusaale u soo qaatay Somaliland oo uu sheegay inay qabsatay Lix Doorasho oo dhammaantood u dhacay Hab Hal Cod iyo Hal Qof ah, “Doorashooyinka Qofka iyo Halka Codka ah waxa loo Muddeeyay inay Soomaaliya ka dhacaan 2020-ka, waana Yool gaadhistiisu innagu wayn tahay..” ayuu yidhi, Ergayga Qaramada Midoobay Soomaaliya Michael Keating, waxaanu intaa ku daray isagoo Tusaale u soo qaadanaya in Doorashooyinka Somaliland ka dhacay oo kale ka dhici karaan Soomaaliya wakhtigaa uu sheegay, “Ma Jirto Diwaangelin Madaniya iyo Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha oo loogu tartamaa Doorasho. Somaliland waxay Maamushay Lix Doorasho muddo 25 Sannadood ah, sidaa daraadeed Soomaaliya way samayn kartaa.”