Shirkii Shalay,Dooddii Kulmiye,Dabuubtii Waddani,Duurxulkii Ucid Iyo Heshiiskii Cirro,Faysal Iyo Muuuse Biixi

0
899

Saddexda xisbi qaran oo ay dhex joogeen xubno matalayay ururada loogu yedho bulshada rayidka ah ayaa shalay kulan ay ku yeesheen xarunta akadamiyada nabada Somaliland ee hargeyssa kaag wada hadlay arinta saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka oo uu wali u dabran yahay xeerkii lagu dooran lahaa golaha wakiilada oo doorashadiisu mar la mudaysan tahay ta madaxtooyada.

Siday tibaaxeen xoggo uu wrgeyska ogaal ka helay ilou dhuun daloolay madashaa, waxa kulankaa saddexda xisbi uga qayb galay min shan xubnood oo ay kal hogaaminayeen madaxda sare ee saddexda xisbi oo kal ahaa isla markaana waxa xisbiga KULMIYE axubniii ka joogay kamid ahaa gudoomiye Muuse Biixi,gudoomiye ku xigeenka Maxamed Kaahin,xoghayaha guud iyo laba xubnood oo kale,halka xisbiga UCID ay ka fadhiyeen madashaa gudoomiye Faysal Cali Warabe iyo xubno kale,xisbiga WADDANI-na ay ka fadhiyeen gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro,xoghayaha guud Uur Cadde,iyo saddex xubnood oo kale oo kamida masuuliyiinta xisbigaa.

Xogahaasi waxay tibaaxeen in ajandaha shirku aha in laga wada hadlo saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada ee saluugu ka taagan yahay si loo gaadho xal suuragal ka dhigi kara dhicitaanka doorashada wakiilada xiligii loogau tala galay,haseyeesheen waxy xogahaasi tilmaameen in hoos loogu deign qalistii qodobka balse markii hore kulankaa hadhaysay cabashada iyo saluuga ay beelaha darafyadu ka qabaan saami qaybsiga kuraasta wakiilada isla mrkaana xubno ergooynka xisbiyada kamid ahaa oo kasoo jeeda beelahaa darafyada ayaa taataabtay qarrada saluuga ay deegaanadoodu ka qabaan saami qaybsiga haatan algu fadhiyo golaha jira kasoo ay ku tilmaameen mid xaqdaro ah oo ay ku burbursadeen beelaha deeganada dhexe eesoma,iland dagaa.

Illahaasi waxay intaa kud areen in ergooyinkaa beelaha darafyadu ee kulankaa ka qayb galay ee saddexda xisbi ay aragti ahan isku raacsanayeen dooddaa islamarkaana y tilmaameen in wax kasteba ay isku koobtyh beesha dhexe.

Dooddaa kasokow xuguhu waxay intaa ku dareen iin xubnaha xisbiga KULMIYE qarkooda arimahaa dartood ay soo jeediyeen inay haboon tahay in la kala qaado doorashada wakiilada iyo madaxtooyada si wakhti fiican oo lagu derso loogu helo mawduucan, aragtidaa oo ay xoguhu u nasbeeyeen aragtida haseyeeshee waxay xogahaasi iftiimiyeen aragtidaa wax aka horyimi dhinacyada kale eoo ku dooday in ajandaha lagu eekaado halka xisbiga UCID kasoo jeediyay astaynteedu ku arooraysay lin lagu daadago talo ka dhiibashada qaabka saami qaybsiga loomarayn karo uyo duruufaha la xidhiidha.

Warku waxa uu intaa ku daaray iin xisbiga WADANI ku raacay taa oo la sheegay in ajandahu ku salaysnaa.

Geeska kale qolada waddani ayaa xoguhu tibaaxeen in ay dhankooda ay kaga hadal celiyeen dooda kulmiye in aan la kala qaadi Karin labada doorasho oo axukun maxkamadeed lagu mudeeyey.,iyada oo iluhu intaa ku dareen in dhanka Ucidna xubin kamid ahi ku dooday in arintan maareeynteeda ay leedahay madaxtooyadu sabab looga riixaana aaanay jirin inkaste oo wakhti lays hor fadhiyay lana wada hadlayay haddana waxay xoguhu ku dareen hogaamiyayaasha saddexda xisbi iyo xubnihii wahelinayay inay gaadheen heshiis kasoo ah in yeesheen shir kale 23 July 2016 .

Dhanka kale ka wada hadalkan mawduucan ka sokow waxa isa soo taraya walaac laga qabo in markale dib u dhacdo doorashadu oo la sameeyo muddo kordhin kale isla markaan aqaar kamida ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa welwelka ay arintaa ka qabaan mujiyey kana digey in laysku dayo mar kale in dib loo rido doorashada.