“Guddoomiye Cirr Iyo Xisbiga Waddani, Waan Ka Xaal-marinayaa Sharaf-darradii Ka Dhacday Garoonka Xawaadle.”Ugaas Cabdirisaaq Koosaar

0
817

Ugaas Cabdirisaaq Koosaar oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Beelaha Subeer Awal, ayaa Xaal iyo raali-gelin Xisbiga WADDANI ka siiyey diidmadii dabaqayaadii Ramadaan loo diiday Xaflad ay ku qaban lahaayeen Garoonka Xaafadda Xawaadle ee Magaalada Hargeysa, halkaasi oo Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Cirro uu Abaal-marinno ku guddoonsiin lahaa Kooxdii ku guuleysatay Tartan kubadda Cagta ah oo uu Xisbigaasi dhigay.

Ugaas Cabdirisaaq oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay Ceeb tahay in Garoonka Xawaadle laga hor-joogsado Guddoomiyaha WADDANI iyo Masuuliyiinta kale ee Xisbigaasi, maaddaama oo ay waajib tahay in Shacabka iyo Dawladduba ay Masuuliyiinta Xisbiyada si isku mid ah ula Macaalimaan, meeshii ay tagaan si isku mid ah loogu qaabilo, laakiin aan la kala xigteysan.

Ugaaska oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi, “Ceeb bay innagu tahay in Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mujaahid Cabdiraxmaan Cirro loo diido Garoonka Xawaadle oo lagu qabanayey Gabogabadii Tartankii Kubadda Cagta ee Bishii Ramadaan.”

Ugaas Koosaar, waxa kale oo uu sheegay, “Waxay muhiimaddu tahay in Saddexda Guddoomiye Xisbi iyo Madaxda kale ee Qaranku iskugu imanayaan in si isku mid ah loo soo dhaweeyo. Markaa waxaa Meeshaa ka dhacay ceebbay ahayd, sidaa daraadeed ka Ugaas ahaan waxaan ka Xaal-marinayaa Reer WADDANI, Guddoomiyeyahooda ha ahaado ama Xisbi ahaanba’e.” ayuu yidhi.